Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Degmada Jardiinka & Madadaalada ee Vashon-Maury Island
Guddoomiyaha Jagada Lr. 4
Abby Leigh Antonelis
21431 VASHON HWY SW
VASHON, WA 98070
Waxaan ahay xubin firfircoon oo ka tirsan bulshada, waxaanan ku jiraa sannadkaygii 6aad ee aan ka mid ahay guddiga Ururka Beeralayda ee Vashon Island (Vashon Island Growers Association). Waxaan horrey u soo noqday Guddoomiyaha Degmada Jardiinooyinka (laga bilaabo 2018-2022). Waxaan mar kale u tartamayaa inaan ahaado Guddoomiyaha guddigaan sababtoo ah waxaan aaminsanahay in khibraddaydii hore ay noqon doonto mid qiimo u leh xilligaan kala guurka ah ee Guddiga Jardiinooyinka. Waxaan ku faanayaa muddadii aan hore uga mid ahaa Guddiga Jardiinooyinka, waxaana i qushuuciyey inaan ka qaybqaato oo aan wax ku biiriyo 4-tii sanno ee la soo dhaafay.
Waxaan aaminsanahay in qof walba uu heli karo goob furan oo la wadaago, waxaanan rajeynayaa inaan ilaaliyo himilada Degmada ee dhinaca Jardiinooyinka 4-ta sanno ee soo socota.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications