King County logo
v1.0.0

Degmada Isbitaalka Dadweynaha Lr. 5

Guddoomiyaha Jagada Lr. 5

Tom Langland

Tom Langland

12003 SW 204TH ST

VASHON, WA 98070

langlandfamily@msn.com

Education: K-12, Degmada Dugsiga Vashon Island. Shahaadada Jaamacadda ee Farmashiyaha, University Of Washington
Occupation: Mulkiilaha ganacsi iyo farmashiiste hawlgab ah, Vashon Pharmacy, Inc.
Statement:

In ka badan 45 sanno oo aan bulshada uga shaqeynayay baahiyaha daryeelka caafimaadka qaarkood, weligay ma arag xilli kheyraadka bulshada iyo caafimaadku u xoog bateen sida ay dad badan oo jasiiraddu deganni jeclaan lahaayeen. Taasi weli way saxan tahay maanta.


Degmada Daryeelka Caafimaadka ee Vashon waxaa la abuuray ku dhawwaad 6 sanno ka hor si loo wajaho lumitaanka soo dhow ee rugteena daryeelka aasaasiga ah loona tixgeliyo baahiyaha kale ee aan wali la daboolin ee daryeelka caafimaadka ee derisyadeenu mudnaanta siinayaan. Waxaan ku faraxsanahay in Degmadu aysan kordhin canshuurta asalka ah marna intii lixdaas sanno ahayd, inkastoo ay biloowday barnaamijyo dheeraad ah oo ay ku jiraan daryeel degdeg ah oo shaqeeya 365 maalmood, caafimaadka dabeecadda oo la xoojiyay dhallinyarada jasiiradda, barnaamij voucher si uu uga caawiyo dadka dakhligoodu hooseeyo helitaanka daryeelka caafimaadka, iyo iskaashi lala yeeshay VIFR si loo xoojiyo adeegyada daryeelka caafimaadka ee guriga ku saleysan ee dadka waaweyn ee nugul.


Waxaan jeclaan lahaa inaan sii wado shaqadayda anigoo ah Guddoomiyaha VHCD, waxaana si xushmad leh kaa codsanayaa codkaaga.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka