King County logo
v1.0.0

Degmada Isbitaalka Dadweynaha Lr. 5

Guddoomiyaha Jagada Lr. 4

Kelly Wright

Kelly Wright

19330 VASHON HWY SW

VASHON, WA 98070

kwrightvhs1986@gmail.com

Education: BA (Shahaadada Jaamacadda) ee Cilmi-nafsiga, The Evergreen State College 1990, BS (Shahaadada Jaamacadda) iyo Shahaadada ugu Sareysa ee Naturopathic (Daawooyinka Dabiiciga), Bastyr University 1998
Occupation: Dhakhtar iyo Mulkiile, Vashon Natural Medicine (Daawada Dabiiciga ee Vashon)
Statement:

Waxaan ahay degane muddo dheer ku nool Vashon waxaana ku bixiyay ku dhawwaad 30 sanno daryeelka aasaasiga ah ee qoysaska Vashon. Maamulidda rug caafimaad madax-bannaan, waxaan fahamsanahay dhaqaalaha adag ee daryeelka caafimaadka. Waxaan u tartamayaa xafiiska sababtoo ah waxaan aaminsanahay inaan u baahanahay inaan fududeyno VHCD. In kasta oo ay ahayd mid si wanaagsan loo damacsannaa, sameynta VHCD waxay kordhisay canshuuraha mana aysan keenin adeegyada la ballan qaaday. Nasiib wanaag Vashon waxay haysataa daryeelka VIFR's Mobile Integrated Health Unit, Sea Mar waxay dhisaysaa rug caafimaad oo ku taalla bartamaha, iyo Vashon Pharmacy waxay bixisaa daryeel caafimaad oo la gali karo. Canshuuraha bulshadeenna waa in si toos ah loogu isticmaalaa adeegyada deganeyaasha, haddii aanan dib loogu soo celin codbixiyeyaasha. Ma’aha in lagu bixiyo guryaha, kharashaadka maamulka, ama qandaraasyada waaweyn ee shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwaas oo markaa sidoo kale ka qaada lacag deganeyaasha. Iyadoo la dhimmayo miisaaniyadda Medicaid iyo Medicare, daryeelka caafimaadka ayaa si weyn isu beddeli doona. Haddii la i doorto, waxaan caawin doonaa VHCD si ay u taageeraan caafimaadka iyo dhaqaalaha Vashon.

Rebecca Chavez

Rebecca Chavez

9125 SW 211TH ST

VASHON, WA 98070

(000) 000-0000

rebecca.chavez@me.com

chavezforhealth.com

Education: Shahaadada Jaamacadda ee Cilmi-nafsiga, University of California, Davis; Shahaadada Ugu Sareysa ee Cilmi-nafsiga, Wright Institute, Berkeley, CA
Occupation: Dhakhtar Cilmi-nafsi- bixinaaya qiimeynta xubnaha adeegga militariga ee Dalka Mareykanka iyo Halyeeyada Hore.
Statement:

Anigoo ah cilmi-nafsi-yaqaan caafimaad oo shati leh oo leh 20 sanno oo waayo-aragnimo ah, waxaan maamulay rug gaar loo leeyahay oo guul leh, waxaanan ka shaqeeyay goobo badan oo daryeel caafimaad dadweyne ah. Waxaan fahamsanahay kakanaanta nidaamka daryeelka caafimaadka.

Waxaan ahay hooyo saddex carruur leh oo qaangaar ah; laba ka mid ah waxa wax lagu baray dugsiyada Vashon. Waxaan rabaa inaan bulshada tan wax uga celiyo, sidaas darteed sharaf bay ii ahayd markii si isku ra’yi ah laygu magacaabay kursi bannaan oo Guddoomiyaha Degmada Daryeelka Caafimaadka bishii Abriil 2025.

Degmadu wax badan bay ka qabatay ballaarinta gelitaanka daryeelka caafimaadka ee Vashon: daryeelka xaaladaha degdegga ah ee DispatchHealth urgent care, kheyraad dheeraad ah oo caafimaadka dabeecadda ah carruurta iyo dhallinyarada, iyo adeegyo badan oo loogu talagalay waayeelka nugul. Waxaan rabaa inaan shaqadaas sii dhiso. Baahi weyn oo aan weli la daboolin: Vashon ma laha kheyraad loogu talagalay faragelinta xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dhimirka. Kuwani waa adeegyo ay Vashon u baahan tahay oo ay u qalanto. Waxaan hayaa khibrad, xirfado, iyo xamaasad aan ku horumariyo arrimahaan. Waxaan jeclaan lahaa codkaaga.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka