King County logo
v1.0.0

Degmada Isbitaalka Dadweynaha Lr. 4

Guddoomiyaha Jagada Lr. 4

Jen Carter

Jen Carter

202 SYNDEY AVE N

NORTH BEND, WA 98045

jcarter817@hotmail.com

Education: University of Chicago, Shahaadada Jaamacadda
Occupation: Khabiirka Teknolojiyadda Macluumaadka Caafimaadka
Statement:

Tan iyo 2019, waxaa sharaf ii ahayd inaan bulshada u adeego anigoo ka mid ah guddoomiyeyaasha isbitaalka bulshada, Snoqualmie Valley Health. Si wadajir ah, waxaan ku dhex soconay wakhtiyo muhiim ah; taageeridda jawaab celintayada COVID-19, bilaabidda adeegyo cusub, iyo qorsheynta mustaqbalka ee Valley ee sii kordhaysa. Waxaa laga yaabaa inaad i aragtay anigoo jooga rugaha tallaalka ee baabuurta lagu maro ama soo dhaweynaya deriska teendhooyinka gargaarka degdegga ah inta lagu jiro dhacdooyinka bulshada.

Waxaan taageeray furitaanka rugta daryeelka degdegga ah ee bulshadeenna waxaanan hormuud ka ahaa horumarinta rugta cusub ee North Bend, ballaarinta xarunta isbitaalka, iyo mashiinka ugu horreeya ee mammogaraafiga ee Valley.

In ka badan 20 sanno oo aan ku jiray IT-ga daryeelka caafimaadka, waxaan ka caawiyay isbitaalada dalka oo dhan inay horumariyaan daryeelka iyada oo loo marayo hal-abuurnimo. Halkan aan degan nahay, waxaan dhiirageliyay kala guurkeenna nidaamka diiwaanka caafimaadka elektarooniga ah ee casriga ah, taasoo hagaajinaysa tayada, badbaadada, iyo helitaanka bukaankeenna. Waxay ahayd sharaf inaan u adeego, waxaana jeclaan lahaa codkaaga si aan u sii wadno dhisidda daryeel heer sare ah oo ku dhow deegaankeena.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka