Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Degmada Isbitaalka Dadweynaha Lr. 2
Guddoomiyaha Jagada Lr. 5
Waxaan ku noolaa aagga adeegga EvergreenHealth Kirkland muddo 50 sanno ah waxaanan ahay mulkiilaha ganacsi ee magaalada Woodinville. Waxaan ahaa Guddoomiyaha PTA iyo qof la siiyay Abaalmarinta Golden Acorn. Waxaan leeyahay 30 sanno oo waayo-aragnimo farmashiyaha ah oo ku saabsan goobaha isbitaalka iyo caafimaadka. Maadaama aan ahay Macallin Shahaado Sare leh oo ku takhasusay Sonkorowga, waxaan ka caawiyay horumarinta barnaamijkii ugu horreeyay ee waxbarashada bukaanka ee iskuduwidda cilmiga kala duwan ee gobolka Washington, waxaana ka caawiyay habaynta habraacyada daawooyinka sonkorowga. Waxaan u shaqeeyay Guddiga Farmashiyaha ee gobolka muddo koow iyo toban sanno ah, waxaanan ahaa qoraaga ugu weyn ee shuruucda xaqiijinaya xuquuqda haweenka ee doorashada, iyo sharciga u baahan in la diiwaangeliyo dhammaan daawooyinka la xakameeyo ee gobolka. Sharaf ayay ii ahayd inaan helo Abaalmarinta Heerka Sare ee Ku Dhaqanka Farmashiyaha oo ay bixisay School of Pharmacy.
Waxaan u shaqeeyay sidii guddoomiye-wadaag ololaha horumarinta maalgelinta ee UW's Be Boundless, anigoo ka caawiyay in la keeno $50 milyan oo loogu talagalay School of Pharmacy (Dugsiga Farmashiyaha). Waxaan u shaqeeyay Golaha Magaalada Woodinville afar sanno waxaana ahay duqii hore ee magaalada. Waxaan ka shaqeynayay anoo la taliye ah EvergreenHealth Community tan iyo 2021 waxaana ku raaxaystay ka qayb qaadashada hantidan weyn ee bulshadeenna.
Khibraddayda sannado badan ee daryeelka tooska ah ee bukaanka, maamulka barnaamijka, kormeerka maaliyadeed, iyo adeegga bulshada ayaa iga dhigaya mid si gaar ah ugu qalma inaan u adeego sida Guddoomiyaha EvergreenHealth. Waxaan kuu shaqeyn doonaa si aan mar walba u bixiyo khibradda ugu wanaagsan ee bukaanka. Waxaan hubin doonaa in doolarka canshuurtaada ee ku soo gala EvergreenHealth si wax ku ool ah loo isticmaalo si loo helo loona sii hayo shaqaalaha ugu fiican, si loo taageero baaritaannada iyo hababka daaweynta ee ugu hal-abuurka badan, iyo in daryeelka caafimaadka ahaado mid la awoodi karo. Sharaf ayay ii ahaan lahayd inaan helo codkaaga.
Waxaan aaminsanahay in qof walba uu u qalmo helitaanka daryeel caafimaad oo heer-sare ah. 2024, waxa sharaf ii ahayd in la i magacaabo Guddiga Guddoomiyeyaasha ee Degmada Isbitaalka Dadweynaha ee Degmada King #2 (EvergreenHealth), oo u adeegta Bothell, Duvall, Kenmore, Kirkland, Redmond, Sammamish, iyo Woodinville. Hadda waxaan raadinayaa in la i doorto muddo buuxda.
Anigoo hore u ahaa EvergreenHealth Community Advisor, isla markaana leh xirfad nololeed oo daryeelka caafimaadka iyo culuunta nolosha, waxaa iga go’an ballaarinta helitaanka, hagaajinta natiijooyinka, iyo xoojinta isbitaalka bulshadeenna. Intii aan xilka hayay, waxaan diiradda saaray mas’uuliyadda maaliyadeed iyo ballaarinta adeegyada aasaaska u ah. Mudnaantayda koowaad waxa ka mid ah ballaarinta helitaanka daryeelka aasaasiga ah iyo adeegyada caafimaadka dabeecadda, iyadoo la hubinayo in kheyraadka isbitaalka si wax-ku-ool ah loo adeegsado. Waxaan la imaanayaa 25 sano oo waayo-aragnimo ah oo goleyaal dadweyne iyo gaar ah, waxaana haatan ka tirsanahay Guddiyada Maaliyadda, Maamul-wanaagga (Governance), Tayada & Badbaadada, iyo Levy. Sidoo kale, waxaan kasbaday Health Care Governance Certification oo ka timid Washington State Hospital Association.
Waxaan ku faani karnaa in EvergreenHealth ay ka mid tahay 50-ka isbitaal ee ugu sareeya dalka, taasoo caddeyn u ah shaqaalaheenna heellan iyo bulshada na taageerta. Waxaan sii taageeri doonaa siyaasad dhiirrigelisa dhaqan naxariis, hal-abuurnimo, iyo adeeg, iyadoo la ilaalinayo heer-sareynta bixinta daryeelka.
Waxa i taageeray: Duqooyda Magaalada Kelli Curtis (Kirkland), Nigel Herbig (Kenmore), Mike Millman (Woodinville); Wakiillada Gobolka Amy Walen (LD 48) iyo Davina Duerr (LD 1); iyo dhammaan Guddoomiyeyaasha hadda xilka haya ee EvergreenHealth.
Sharaf bay ii ahaan lahayd inaan kasbado codkaaga. Wadajir, waxa aynu ilaalin karnaa oo xoojin karnaa daryeel tayo sare leh oo bulshadeennu filayso oo ay u qalanto.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications