King County logo
v1.0.0

Degmada Isbitaalka Dadweynaha Lr. 1

Guddoomiyaha Degmada 3

No photo submitted

Rita J. Miller

1240 51ST PL NE

AUBURN, WA 98002

(253) 347-8589

ritamiller23@gmail.com

Education: Shahaadada Mastarka Ee Kalkaalinta; PhD ee Waxbarashada
Occupation: Maktabadlaha Caafimaad; Macallin Kalkaaliye (hawlgab)
Statement:

Magacaygu waa Rita J. Miller waxaanan raadinayaa dib-u-doorasho booska Guddoomiyaha, Degmada Lr. 3 ee Degmada Isbitaalka Dadweynaha Lr. 1.  Xilkaas waxa la iigu doortay laba sano ka hor si aan u buuxiyo boos bannaan.  Khibraddayda nololeed ayaa i diyaarisay, maadaama aan leeyahay asal caafimaad oo aad u xooggan anigoo sannado badan ahaa kalkaaliye caafimaad iyo bare kalkaalinta. Markaan helay shahaadada Mastarka ee kalkaalinta, waxaan kalkaalinta ka dhigay laba Iskuul Kalkaalin oo kala duwan. Intii aan xilkaas hayay ayaan qaatay Ph.D. ee Waxbarashada, anigoo sii ahaanaya bare kalkaalinta. In badan oo aan ku sugnaa goob isbitaal ayaa i bartay faahfaahinta adag ee sida isbitaal loo maamulo iyo noocyada khilaafaadka ay la tacaalaan isbitaalladu. Wakhtigan, Degmada Isbitaalka Dadweynaha Lr. 1 waxay wajahaysaa jaris miisaaniyadeed oo dowladdu samaysay, taas oo adkaynaysa bixinta adeegyo ay hore u bixin jirtay. Aniga oo ah Guddoomiyaha hadda jooga, waxa aan ku jiraa doodaha iyo qorsheynta wax ka qabashada khasaaraha maaliyadeed ee lama filaanka ah.

Hadafkaygu marka dib la i doorto waa in aan sii wado shaqada aan hadda wadno si aan bulshada ugu helno daryeel caafimaad oo ugu fiican. Waxaan aaminsanahay in qof kasta oo bulshada ka tirsan uu u qalmo daryeelka uu u baahan yahay oo uu xaq u leeyahay. Ujeeddadayda waa in aan ka qayb-qaato caafimaadka iyo fayo-qabka bulshadeenna ay dhammaantood u qalmaan. Si xushmad leh, waxaan weydiisanayaa codkaaga.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka