King County logo
v1.0.0

Degmada Biyaha iyo Bullaacadda ee Soos Creek

Guddoomiyaha Jagada Lr. 1

Alan Eades

Alan Eades

22828 SE LAKE WILDERNESS DR S

MAPLE VALLEY, WA 98038

(425) 433-1079

alaneades228@gmail.com

Education: Shahaado Jaamacadeedka Labada Sanno ee Cilmiga Adabka; Shahaadada Maareeyaha Qaybinta Biyaha; Shahaadada Nidaamyada Ururinta Biyaha Wasakhda; shahaadooyin kale oo badan
Occupation: Hawlgab aan wakhti buuxa ahayn; Maareeyihii hore ee Hawlgallada, Degmada Biyaha iyo Bullaacadda ee Soos Creek
Statement:

Waad ku mahadsan tahay kalsoonida aad igu qabtay. Waxay ii ahayd farxad inaan bulshada ugu adeego sidii guddoomiyehaaga, waxaana rajeynayaa inaan sii wado inaan ku adeego xilkan.

Intii aan xilka hayay, guddiga guddoomiyeyaasha iyo shaqaalaha degmada waxay si wadajir ah uga shaqeynayeen sidii loo xaqiijin lahaa sahayda biyaha mustaqbalka, loogu maamuli lahaa kheyraadka si wax ku ool ah, loona fududeyn lahaa hawlaha. Waxaan ku mashquulsaneyn sugidda sahayda biyaha mustaqbalka anagoo saxiixnay heshiis cusub oo aan la galnay Seattle Public Utilities (Adeegyada Tamarta Dadweynaha ee Seattle) kaas oo na kaafin doona tobanaan sanno mustaqbalka. Waxaan sidoo kale beddelaynay kaabayaasha dadweynaha ee gaboobay iyo casriyaynta hawlaha si aan ugu adeegno jiilasha soo socda.

Muddo xilleedka soo socda, waxaan diiradda saarayaa hagaajinta waxtarka anigoo ilaalinaya badqabka, isku haleynta, iyo qiimaha la awoodi karo ee adeegyada biyaha iyo bullaacadaha. Iyadoo la tacaalaysa caqabadaha koritaanka goboleed ee sii socda iyo xeerarka deegaanka ee sii adkaanaya, waxaan u baahan doonaa inaan sii ahaano kuwo firfircoon oo maskax furan. Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa kooxda khibradda leh ee xubnaha guddoomiyeyaasha, shaqaalaha heellan ee Soos Creek, iyo la-hawlgalayaasha goboleed, anoo qaba in caqabadahan si wax ku ool ah loo xallin karo, loona xallin doono, iyadoo la wadaago ballanqaadkeena guusha muddada dheer ee degmada.

Waxaan kugu mahad celinayaa taageeradaada joogtada ah, iyo fursadda aan u haysto inaan u sii adeego bulshadeenna.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka