Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Degmada Bullaacadda ee Valley View
Guddoomiyaha Jagada Lr. 2
Waxaan ahaa Guddoomiye degmada bullaacadda ee Valley View muddo sannado badan ah. Muddadaas, welwelkeyga ugu weyn wuxuu ahaa inaan hoos u dhigo heerarka degmada iyadoo aan siinayo adeeg tayo leh, oo ay bixiyaan shaqaalaheena, iyo inaan ilaalino xaaladda nidaamkeena oo ka kooban in ka badan 60 mayl oo tuubo ah.
Degmada waxaa iska leh dadka canshuurta bixiya waxaana si buuxda loogu maalgeliyo canshuuraha laga soo ururiyo adeegyada. Si ka duwan noocyada kale ee dowladda, lacag kasta oo la ururiyo waxay u socotaa hawlaha la xiriira bullaacadaha oo keliya. Waxaan ka shaqeynayay ganacsi adeegyo la xiriira gudaha xuduudaha degmada in ka badan 40 sano waxaanan fahamsanahay waxa ay u baahan tahay in lagu guuleysto, iyadoo la siinayo adeeg tayo leh si hufan oo qiimaha hooseeya lagu hayo.
Waxaan jeclaan lahaa taageeradaada joogtada ah adigoo mar kale ii codeynaya. Waad mahadsan tahay.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications