King County logo
v1.0.0

Degmada Biyaha iyo Bullaacadda ee Cedar River

Guddoomiyaha Jagada Lr. 2

Gregg MacDonald

Gregg MacDonald

PO Box 1023

Maple Valley, WA 98038

(206) 573-7306

rangerat1952@hotmail.com

Education: Wax macluumad ah masoo gudbin
Occupation: Wax macluumad ah masoo gudbin
Statement:

Aniga iyo qoyskayga waxaan deganayn degmada biyaha iyo bullaacadda ee Cedar River tan iyo 1979. Waxaan wax ku bartay Bellevue College anigoo diiradda saaraya qorsheynta magaalooyinka iyo maamulka dadweynaha.

Waxaan ka shaqeynayay degmo maxalli ah muddo 35 sanno ah qaybta tayada biyaha bullaacadaha iyo biyaha roobka ilaa aan ka fariistay 2013. Waxaan sii waday inaan shaqeeyo xilliga hawlgabka anigoo qabta shaqo wakhti-dhimman ah iyo shaqo mutadawacnimo.

Sida guddoomiye ahaan waxaan keenni doonaa faham adag oo ku saabsan dhaqamada iyo habraacyada biyaha/bullaacadaha taasoo u oggolaanaysa guddoomiyeyaasha inay wax ka qabtaan arrimaha oo ay gaaraan xalal caddaalad ah. Waxay ii noqon sharaf inaan noqdo xubin firfircoon oo ka tirsan guddiga iyo inaan u adeego bulshadeenna. Waxaan leeyahay xirfado xiriirka dadweynaha ah oo aan bulshadana si wanaagsan ugu matalo. Waxaana si daacad ah u qadarin lahaa kalsooni igu siiso codkaaga si aan horrey ugu socono. Waad mahadsan tahay.

Ronald Harmon

Ronald Harmon

17843 SE 192ND DR

RENTON, WA 98058

(425) 271-3700

retainreharmon@gmail.com

Education: University of Oregon
Occupation: Maareeye Hore ee Gaadiidka iyo Mulkiilaha Ganacsi Yar
Statement:

Waxaa la ii magacaabay Komishanarka Degmada Biyaha iyo Bullaacadaha ee Cedar River sannadkii 2024, haatanna waxaan u adeegaa Guddoomiyahooda. Waxaan aaminsanahay in sii haynta aniga oo Komishanarka ahi ay ilaalin doonto joogtaynta iyo xiriirrada shaqo ee wanaagsan ee aan hore uga dhisay Degmada. Khibraddayda hore shan sano oo aan ahaa xubin magacaabban oo ka tirsan Guddiga Isticmaalka Dhulka iyo Qorsheynta ee Kent, iyo siddeed sano oo aan ahaa Xubin Golaha Magaalada Kent oo la doortay, waxay i bartay baahida ah in mar walba la yeesho “aragti” mustaqbalka ah.

Garashada korriinka iman kara waxay u baahan tahay qorsheyn fog iyo aqoon ku saabsan awoodda ay Degmadu u baahan tahay si loo sii hayo tayada nolosha, adeegyadeenna, iyo joogteynta aan hadda bixino. Anigoo maskaxda ku haya mas’uuliyadda maaliyadeed, waxaan doonayaa inaan helo ilo maalgelin oo kale halkii aan kordhin lahayn khidmadaha adeegga macaamiisha. Waan idinka dhegaysan doonaa waxaanan idiinku shaqeyn doonaa si daacad ah. Waxaan qadarin lahaa codkaaga. Mahadsanid.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka