Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Degmada Biyaha ee Degmada King Lr. 119
Guddoomiyaha Jagada Lr. 2
Yuri Kreutzer
31843 NE 183RD ST
DUVALL, WA 98019
Waxaan u tartamayaa dib-u-doorasho booska Guddoomiyaha Biyaha si aan qaybteyda uga qaato u adeegidda bulshada cajiibka ah ee aan la noolnahay. Waxaan ku nimcaysanahay in aan 24-kii sanno ee la soo dhaafay la noolaa xaaskeyga iyo siddeed carruur ah (hadda se 7 awoowe u ahay) gudaha Pacific Northwest, waxaanan 5 sanno ku noolaa Duvall. Waxaan aaminsanahay qiimaha dabiiciga ah ee qof walba maadaama uu abuuray sawirka Ilaah, iyo in qof walba si cadaalad iyo sinaan leh loola dhaqmo, aniguna waxaan ku dadaalaa in aan mar walba u dhaqmo si daacadnimo iyo anshax leh. Aniga oo ah Guddoomiyaha Biyaha, waxaan si adag uga shaqayn doonaa horumarinta degmadeenna si ay macaamiisheennu uga faa’iidaystaan. Waad ku mahadsan tahay tixgelinta codka aad ii siinaysid.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications