Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Dab-damiska & Badbaadinta ee Woodinville
Guddoomiyaha Jagada Lr. 4
Waxaan u tartamayaa inaan keeno khibraddayda maamulka xaaladaha degdegga ah ee Woodinville Fire & Rescue si aan uga caawiyo bulshadeenna si ay u noqoto mid adkaysi badan. Waxaan haystaa Shahaadada Mastarka ee Maamulka Dadweynaha ee Maareynta Degdegga ah, shahaadooyinka FEMA, waxaana leeyahay lix sanno oo waayo-aragnimo dowladeed ah heer federaal, gobol, iyo degmo. Waxaan ka shaqeeyay Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka xilligii maamulka Biden, halkaas oo aan ka shaqeeyay hey’ado kala duwan si aan u xoojiyo la xisaabtanka iyo daah-furnaanta dadweynaha. Waxaan ka shaqeyn doonaa inaan ka qayb geliyo in badan dadka diyaarinta xaaladaha degdegga ah, taageero dab-damiyeyaashayada iyo shaqaalaha xuquuqdooda ay ku abaabullan karaan urur shaqaale, iyo inaan ka caawiyo hagaajinta isku-duwidda magaalooyinka, degmooyinka dab-damiska ee ku dhow, Degmada King, iyo gobolka Washington si loo ilaaliyo bulshadeenna.
Taageerayaasha waxaa ka mid ah Dimuqraadiyiinta Degmada King, Dimuqraadiyiinta Degmada 1aad ee Sharci Dejinta, Wakiillada Shelley Kloba iyo Davina Duerr, Dimuqraadiyiinta Dhallinyarada ee Degmada King, iyo Ku-Xigeenka Duqa Magaalada Woodinville James Randolph.
Ryan Blakemore
12627 NE 154TH ST
WOODINVILLE, WA 98072
(425) 518-1768
Woodinville waa magaaladayda hooyo. Halkan ayaan ku barbaaray, waxaana hadda isla bulshada aan jeclahay ku korinayaa qoyskeyga. Waxaan u tartamayaa Guddoomiyaha Dab-damiska & Badbaadinta si aan u hubiyo in degmadayadu sii ahaato mid si wanaagsan u diyaarsan, si fiican loo shaqaaleeyey, isla markaana si hufan uga jawaabta baahiyaha sii kordhaya ee derisyadeenna.
Anigoo leh asal hoggaamineed oo ganacsi yar, waxaan la imaanayaa mas’uuliyad maaliyadeed, qorsheyn istiraatiiji ah, iyo ballanqaad adag oo ku aaddan badbaadada dadweynaha. Mudnaantaydu waa taageerida dab-damiyeyaasha iyo shaqaalaha gurmadka degdegga ah, annagoo siinayna kheyraadka, tababarka, iyo qalabka ay u baahan yihiin, iyadoo la ilaalinayo daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka canshuur-bixiyeyaasha aan u adeegno.
Waxaan aaminsanahay korriin fikir-leh, iskaashi xooggan oo lala yeesho degmooyinka deriska, iyo qorsheyn gurmad oo firfircoon si loo wajaho caqabadaha sida khatarta dababka duurka iyo kororka dadka. Woodinville waxay u qalantaa hoggaan dhegaysta, sii qorsheeya, kana dhigaya badbaadada bulshada mudnaanta koowaad—anigana waxa iga go’an inaan hoggaankaas bixiyo.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications