Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Dab-damiska iyo Badbaadinta ee South King
Guddoomiyaha Jagada Lr. 1
Magacaygu waa Martese Monroe, waxaanan u tartamayaa Guddoomiyaha Dab-damiska ee South King sababtoo ah waxaan aaminsanahay hoggaan bulshada mudnaanta koowaad siiya iyo adeeg dadweyne oo mas’uuliyad leh. Waxaan Federal Way ku noolahay tan iyo 2020, waxaanan ka shaqeynaya maaliyadda, diiradda saaraya qorsheynta istaraatiijiga ah, falanqeynta maaliyadeed, iyo hubinta adeegsiga mas’uuliyadda leh ee kheyraadka. Waxaan la imaanayaa faham adag oo ku saabsan mas’uuliyadda maaliyadeed iyo kormeer daah-furan, oo lagu kalsoonaan karo xirfado si toos ah ugu khuseeya shaqada guddoomiyaha dab-damiska.
Xirfaddaydii hore, waxaan aasaasay urur aan faa’iido-doon ahayn oo dhiirrigeliya tabarucaadka dhallinyarada iyo ka-qaybgalka bulshada, taas oo ka tarjumaysa ballanqaadkayga qotada dheer ee barashada adeegga iyo u-celinta bulshada. Anigoo ah hooyo iyo lamaanaha dab-damiye, waxaa iga go’an taageeridda qoysaska, waxaanan fahansanahay muhiimadda badbaado, hoggaan adag, iyo adeegyo degdeg oo si wanaagsan uga jawaaba.
Haddii la i doorto, waxaan mudnaan siin doonaa daah-furnaanta maaliyadeed ee sii socota, go’aan-qaadasho dadka u jihaysan, iyo hubinta in Dab-damiska South King ay sii ahaato mid si buuxda u qalabaysan si ay ula kulanto baahiyaha sii kordhaaya ee bulshada. Waxaa iga go’an dhegaysiga, weydiinta su’aalaha saxda ah, iyo qaadashada go’aanno feker-leh oo u adeega dhammaan deganeyaasha degmada.
Degmadayada dab-damisku waa qayb lagama maarmaan ah oo ka mid ah nidaamkeenna badbaadada dadweynaha, sharafna way ii noqon lahayd inaan ka caawiyo hagidda mustaqbalkeeda anigoo ku shaqeynaya daacadnimo iyo isla-xisaabtan.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications