Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Degmada Dab-damiska ee North Highline
Guddoomiyaha Jagada Lr. 2
Waxaa sharaf ii ah inaan awooday inaan u adeego sidii Guddoomiyaha Dabka ee Degmada Dab-damiska ee North Highline in ka badan 10 sanno. Sida bulshadeenna, degmadeenu waxay sii wadaan inay koraan oo isbeddelaan marka aan wajahno caqabado iyo fursado cusub. Waxaa iga go'an inaan kobciyo xiriirkeena la leh degmooyinka deriska ah; iyadoo la badbaadinayo lacagta iyo kheyraadka canshuur bixiyeyaasha, isla markaana la hagaajinayo adeegyada iyo wakhtiyada jawaabta.
Anigoo ka mid ah Guddoomiyeyaashiina Dab-damiska, waxaan sii wadi doonaa helidda xalal lagu casriyeeyo xarumahayaga iyo qalabkayaga, anagoo kordhinayna adeegyada bulshadeenna iyo taageerada dab-damiyeyaasha. Hadafkaygu waa in aan tan sii wadno anigoon culayska maaliyadeed oo dhan saarin bulshadeenna nugul.
Waxaan rajeynayaa inaan sii wado inaan idiinku adeego sida Guddoomiyaha Dab-damiska oo aan codkiinna mar kale idin weydiisto. Waad mahadsan tahay.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications