Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Dab-damiska iyo Badbaadinta ee Mountain View
Guddoomiyaha Jagada Lr. 4
Mark Hargrove
P.O. BOX 95
BLACK DIAMOND, WA 98010
(253) 632-0736
Anigoo ahaa sharci-dejiye gobol, waxaan matalay intooda badan deriskayga ee Degmada Dab-damiska & Badbaadinta ee Mountain View, waxaanan si shaqsi ah u booqday intooda badan guryihiinna. Sidaas darteed, waxaan qabaa in aan si fiican u ogahay waxa mudnaantiinnu tahay.
Arrimo culus ayaa u baahan in la xalliyo oo u dhexeeya Mountain View iyo hay’adaha kala duwan ee maamulka maxalliga ah. In si buuxda loo shaqaaleeyo loona maalgeliyo saldhigyada dab-damiska ee jira, iyo in la ilaaliyo xakamaynta maxalliga ah iyo waqtiyo jawaab oo gaaban, waa arrimo aad u muhiim ah. Anigoo leh waayo-aragnimadaydii hore ee xilkii la ii doortay, si fiican ayaan ugu qalmaa in aan ka gorgortamo xalalka ugu wanaagsan.
Anigoo ah mulkiile guri oo xiriirro wanaagsan la yeeshay Mountain View, waxaan aqoonsanahay in mar walba ay jiraan siyaabo lagu horumarin karo awoodda degmada si ay inoogu adeegto si ka sii wanaagsan. Si loo wanaajiyo isgaarsiinta aad la leedihiin degmada dab-damiska, lambarkayga taleefoonka gaarka ah waa (253)632-0736, waxaana rajaynayaa in aan mar kale idinku adeego xilkan cusub.
Therron Smith
24211 SE 380TH ST
ENUMCLAW, WA 98022
No statement submitted
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications