King County logo
v1.0.0

Degmada Ilaalinta Dabka ee Degmada King Lr. 10

Guddoomiyaha Jagada Lr. 2

Toni Nielsen

Toni Nielsen

14621 260TH AVE SE

ISSAQUAH, WA 98027

Education: Shahaado Jaamacadeedka Labada Sanno ee Maamulka Ganacsiga, AA Suuqgeynta, University of Washington
Occupation: Guddoomiyaha Dab-damiska 2024- Hadda, Hawl-wadeenka Rideshare, Mulkiilaha Ganacsi Yar
Statement:

Waxay ii ahayd farxad inaan u adeego deganeyaasha Degmada Ilaalinta Dabka ee 10 tan iyo markii la ii magacaabay Abriil 2024. Waxaan u tartamayaa inaan buuxiyo 5-ta sanno ee ka harsan muddadan.

Waxaan ahay qof asal ahaan ka soo jeeda Seattle & 40-kii sanno ee la soo dhaafay waxaan ku qaatay beertayda Issaquah. Waxaan ahay hooyo leh 3 wiil oo waaweyn iyo ayeeyo leh 4 wiilal yaryar oo firfircoon. Qoysku aad ayuu ii muhiim yahay. Waxaan si mutadawac ah ugu adeegaa koox samatabixin duurjoog ah oo maxalli ah, mararka qaar waxaan dhalo ku quudiyaa xayawaanno yaryar oo dhogor leh oo kaynta ah oo agoome ah oo la badbaadiyey, ama waxaan dhex maraa qoryo si aan u soo qabto kuuleey-cali banjar dhaawacmay ama madaxa xoor-dubburka uga siibo dhalo mayoonees.

Maadaama aan ahay mulkiilaha ganacsi yar, waxaan leeyahay xiriir adag oo aan la leeyahay bulshadeenna waxaanan rajeynayaa inaan la falgalo kuwa igu xeeran. Waxaan sharaf ii ah inaan ku weydiisto codkaaga.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka