Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Degmada Dugsiga Tahoma Lr. 409
Agaasimaha Degmada Lr. 1
Waxaa sharaf ii ah inaan u adeego sida Agaasimaha Guddiga Dugsiga ee Degmada Dugsiga Tahoma. Qoyskaygu waxa ay ka mid ahaayeen bulshadaan muddo 35 sanno ah, ninkayga iyo wiilashaydana waa ay ku faanaan in ay Tahoma ka qalin jabiyeen. Waxaan xiriir qoto dheer la leeyahay degmada, anigoo u soo shaqeeyay tabaruc iyo xubin shaqaale heellan in ka badan 20 sanno.
Tahoma waxay leedahay asaas adag, waxaana iga go'an inaan ku dhiso iyada oo aan aqoonsanayo awoodeena wadajirka ah iyo meelaha aan ka hagaajin karno. Waxaan aaminsanahay in aan si wada jir ah ula shaqeyno ardayda, shaqaalaha, iyo bulshada si loo helo xalal sharfaysa taariikhdeena anagoo samaynayna mustaqbalka.
Markaan soo dhawaaneyno sanadguurada 100-sanno ee degmada oo aan fulineyno Qorshahayaga Istiraatijiyadeed ee cusub, waxaan kugu martiqaadayaa inaad ku biirto wada hadalka. Had iyo jeer waxaan diyaar u ahay inaan dhegaysto su'aalahaaga, u dabaaldego guulahayaga, oo aan ka hadlo welwelkaaga. Waad ku mahadsan tahay kalsoonidaada iyo codkaaga Guddiga Dugsiga Tahoma, Jagada 1.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications