Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Degmada Dugsiga Skykomish Lr. 404
Agaasimaha Jagada Lr. 2
Anigoo ah hooyo afar wiil leh, waxaan si toos ah u arkay sida mid walba u bartay oo u koray. Waxbarasho tayo sare leh waxay kobcisaa awoodaha garashada, bulshada, iyo shucuurta; waxayna horumarisaa fikirka naqdiga ah, xirfadaha xallinta dhibaatooyinka, iyo dareenka masuuliyadda. Ujeeddadaydu waa inaan taageero ardayda Skykomish, macallimiinta, shaqaalaha dugsiga, iyo qoysaska iyada oo loo marayo go’aanno iyo siyaasad feker-leh oo ku jira guddigeenna dugsiga maxalliga ah.
Carruurteydu waxay dhigteen dugsiyada dadweynaha ee Riverview SD, halkaas oo aan si ballaaran uga tabarucay. Waxay ka qayb galeen barnaamijka da’aha kala duwan ee Riverview (Eagle Rock), waxayna ku qaateen barashada guriga iyada oo loo marayo barnaamijka ALE ee Xarunta Waxbarashada Sky Valley, Monroe, WA. Waxaan baray muusig iyo PE (jimicsi), waxaanan u shaqeeyay Agaasimaha Ciyaaraha (Athletic Director) ee Hillside Academy (dugsi gaar loo leeyahay oo STEM ah, heerarka Pre-K ilaa Grade 8, Duvall, WA); haatanna waxaan tabaruce ugu noqdaa tababaraha guud ee baaskiillada buuraha ee dhallinyarada (head coach) annagoo adeegsanayna WA Student Cycling League. Khibraddan kala-duwan waxay guddigeenna dugsiga u keenaysaa aragti cusub.
Fadlan igu soo biir, waxaana si qadarin leh u soo dhaweynayaa codkaaga.
Waxaan xubin ka ahaa guddiga agaasimeyaasha degmada dugsiga Skykomish in ka badan 30 sanno, anigoo ah cod degan oo ku dhex jira muuqaalka dugsiga ee had iyo jeer isbeddelaya. Waxaan leeyahay khibrad, hoggaamin, iyo aqoon qoto dheer oo ku saabsan sida gudaha ee dugsiga u shaqeeyo. Waxaan ahay qof aad u xiiseeya dugsiga waxaanan aqoonsanahay sida ay muhiimka u tahay tuuladeena iyo degmada dugsiga.
Sida degane muddo dheer ku noolaa bulshada Skykomish oo aan ku soo koriyey saddexdeyda wiil, waxaan ku faanayaa dhammaantood inay ka qalin jabiyeen dugsigeenna maxalliga ah. Marka laga soo tago inaan ka mid ahay guddiga dugsiga, waxaan sidoo kale hore uga qayb qaatay sidii mutadawac ah si aan fursado ugu abuurro ardaydeenna inay ka qayb qaataan hawlo kala duwan sida little league (horyaalka yar), barnaamijyada dabaasha iyo barafka lagu dul socdo.
Waxaan ku faanayaa degmada dugsigeena. Haddii aad ii doorato mar kale, waxaan sii wadi doonaa inaan noqdo afhayeenka shaqaalaha iyo ardayda dugsigeena iyo bulshadeenna.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications