King County logo
v1.0.0

Degmada Dugsiga Shoreline Lr. 412

Agaasimaha Degmada Lr. 2

Emily Williams

Emily Williams

PO BOX 55461

SHORELINE, WA 98155

(503) 395-4332

emily4shorelineschools@gmail.com

Education: Shahaadada Mastarka ee Waxbarashada Arrimaha Ardayda Kulliyadda, University of West Florida; B.A. (Shahaadada Jaamacadda) Cilmi-bulsho, Central Washington University
Occupation: Waalid, u doode sinnaanta jinsiyadda, macallin, mulkiilaha ganacsi yar
Statement:

Inaan ka adeego guddiga dugsiga waxay ahayd fursad aan kula shaqeeyo qoysaska, macallimiinta, ardayda, iyo xubnaha kale ee guddiga si aan u dhisno nidaam dugsi oo xooggan oo loo wada dhan yahay. Afartii sanno ee la soo dhaafay, waxaan gaarnay horumar macno leh—anagoo shaqadeena ku saleynayna qorshe istiraatijiyadeed oo wadaag ah, hagaajinta daah-furnaanta miisaaniyadda, iyo xoojinta iskaashiga bulshada iyo waalidiinta. Wadajir, waxaan ballaarinay codka ardayda heerka guddiga, taageernay agabyada waxbarashada ee dhaqanka ku habboon, waxaana ka shaqeynay inaan hubinno in dugsiyada oo dhan ay yihiin meel ammaan ah oo soo dhaweyn leh dhammaan ardayda. Waxaan taageernay cusbooneysiinta siyaasadda oo ku martiqaadaya in bulshada ay wax ku darsato, isticmaalka xogta oo la hagaajiyay si go'aanno looga gaaro, iyo u doodista siyaasadda waxbarashada ee gobolka oo ku salaysan sinnaanta. Waxaa weli jira wax badan oo soo socda. Waxaan wax badan ka bartay dhegaysiga si dhow—booqashada dugsiyada, maqalka shaqaalaha, ardayda, iyo qoysaska, iyo fahamka waxa bulsho kasta u baahan tahay si ay u horumariso. Sharaf ayay ii ahaan lahayd inaan kasbado codkaaga oo aan sii wadno inaan si wadajir ah uga shaqeyno tan muddo labaad.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka