King County logo
v1.0.0

Degmada Dugsiga Northshore Lr. 417

Agaasimaha Degmada Lr. 5

Kimberlee Kelly

Kimberlee Kelly

13110 NE 177TH PL #249

WOODINVILLE, WA 98072

(425) 780-7203

votekellyforschoolboard@gmail.com

kellyforschoolboard.com

Education: Shahaadada Mastarka ee waxbarashada, Loyola Marymount University; Shahaadada Macallinnimada; BA (Shahaadada Jaamacadda) Cilmiga Siyaasadda UCLA
Occupation: Macallin Shahaadaysan ee K–12 iyo macallin dugsiga goorta hore, khabiir manhajka, iyo tababarre macallin
Statement:

Sida macallin leh in ka badan 15 sannad oo waayo-aragnimo iyo waalid/u doodaha arday cusub oo soo galaaya Northshore ahaan, waxaan keenni doonaa faham qoto dheer oo ku saabsan caqabadaha iyo fursadaha ay ardayda iyo qoysasku kala kulmaan dugsiyada dadweynaha.

Waxaan u sameeyay manhajyo loo dhan yahay, adag oo ka caawiyay ardayda inay xiraan farqiga waxbarasho ee sannado badan oo ku saabsan maadooyin kala duwan. Marka laga tago wax baridda, waxaan hoggaamiyey abuurista waaxda cilmiga sayniska kombuyuutarka, hormuud ka noqday hindisaha caafimaadka maskaxda, tababaray macallimiinta guud ahaan dalka oo dhan ee ku aaddan waxbarid saamayn sare leh oo ku saleysan sinnaanta, waxaanan ka soo shaqeeyay doorar hoggaamineed heer dugsi iyo degmo.

Ka wakiilkaaga ahaan, waxaan u ololayn doonaa siyaasadaha, dhaqamada, iyo maalgelinta hubinaaya in ardayda iyo macallimiinta Northshore ay guuleystaan—laga bilaabo fasallo yaryar iyo taageerooyinka caafimaadka maskaxda ilaa abuurista jawi waxbarasho oo loo dhan yahay oo soo dhawweynaya dhammaan ardayda. Waxaan si aan daal lahayn uga shaqeyn doonaa dib-u-dhiska keydka maaliyadeed anagoo adeegsanayna maalgelin waarta, ee gudaha iyo heer gobol. Waxaan ka shaqeyn doonaa hubinta in ilmo walba uu helo kheyraadka iyo fursadaha gaarka ah ee uu u baahan yahay si uu ugu guuleysto, oo ay ku jiraan helitaanka waxbarashada gaarka ah, farshaxanka, teknolojiyada, iyo xirfadaha diyaarinta jaamacadda iyo shaqada. Waxaan si xushmad leh u codsanayaa codkaaga.

Taageerooyinka: Ururka Waxbarashada Washington (WEA), ururada shaqaalaha macallimiinta Northshore (NSEA iyo NEOPA), Dimuqraadiyiinta Degmada 45aad, Senatar Derek Stanford, Xubin Golaha Magaalada Woodinville Michelle Evans

Lynda Schram

Lynda Schram

19719 NE 146TH ST

WOODINVILLE, WA 98077

(206) 817-5394

Northshore@voteLynda.com

www.voteLynda.com

Education: BS (Shahaadada Jaamacadda) ee Fisikiska Universite de Fribourg, Switzerland, Wheaton College,
Occupation: hore: Hewlett Packard, Motorola, Texas Instruments, Macallin. Hadda: Xildhibaan
Statement:

Da’daydu waa 71, waxaanan deganaa degmadan 35 sano. Waalid firfircoon ayaan ahay oo 5 carruur ah, ayeeyo/awoowe 12, waxaana dhowr ka mid ah awlaaddayda ku jiraan dugsiyada Degmada Northshore. Xubin guddiga PTA ayaan soo ahaa, 25 sanno ayaan wax ka dhigay oo dib-u-eegis ku sameeyay manhajka, waxaanan bixiyay barid gaar ah oo aan ku raaxeystay dhammaan caqabadahaan.

Anigoo ka welwelsan hoos-u-dhaca weyn ee natiijooyinka akhriska iyo xisaabta ee dugsiyo badan, hadda waa lama huraan in si dhab ah diiradda loo saaro tacliinta iyo manhajka. Akhrisku waa albaabka waxbarashada. Waxaan la shaqeyn doonaa xubnaha guddiga si aan u helno xalal daboola baahiyaha kala duwan ee ardayda maanta.

Kormeeraha Guud ee Waxbarashada Dadweynaha ee Gobolka wuxuu ka soo horjeedaa Xuquuqda Waalidiinta, balse wuxuu taageersan yahay in wiilal loo oggolaado musqulaha gabdhaha, qolalka labiska, iyo in wiilal lo oggolaado ciyaaraha gabdhaha. Dowladdeennu waxay khatar ugu jirtaa inay lumiso balaayiin doolar oo deeqo federaal ah iyadoo diiddan u hoggaansanaanta xuquuqda federaalka ee Title IX ee nus milyan oo gabdhood. Waalidiinta Degmada Dugsiga Northshore waxa ay haystaan cod xoog leh iyada oo loo marayo agaasimayaasha guddigooda; guddiyada maxalliga ahi waxay adkeyn karaan Title IX waxayna hubin karaan in xuquuqda gabdhaheenna la ixtiraamo.

Waxaan u doodi doonaa qaybinta masuuliyadda leh ee kheyraadka dadweynaha, daah-furnaanta, iyo isla-xisaabtanka ku aaddan sharciyada iyo siyaasadaha taageera waxbarasho tayo sare leh.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka