Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Tuulada Hunts Point
Golaha Jagada Lr. 3
Afartii sano ee la soo dhaafay, anigoo aha xubin golihiina, waxaan la shaqeeyay golaha iyo duqa si aan u sii wadno dhaqammada Hunts Point isla markaana aan u ilaalinno dabeecaddeeda magaalo-yareed. Sababo la xiriira sharciyo dhawwaan laga ansixiyay Olympia kuwaas oo saameyn doona dabeecadda magaalada, waxaanu sameyn doonnaa inta karaankeennu yahay in aan la tacaalno isbeddelladan khasabka ah ee lagu sameynayo xeerarkeena xeer-nidaaminta dhulka (zoning). Waxaan sii wadi doonaa inaan magaaladeena ku matalo Guddiga Goboleed ee Soo-Kabsashada Salmanka (Regional Salmon Recovery Council), anigoo ka shaqaynaya ilaalinta astaan Waqooyi-galbeed iyo deegaanka aynu ku wada nool nahay.
Waxaan qiimeeyaa welwelkiinna, waxaanan la shaqeyn doonaa duqa iyo golaha si aan uga jawaabno arrimahaas. Haddii mar kale la i doorto, sii wadi doonaa kormeerka maaliyadda magaalada, waxaana mudnaan siinayaa badbaadada dadweynaha iyo dayactirka magaalada.
Mahadsanidiin, waxaan qadarinayaa codkiina.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications