King County logo
v1.0.0

Tuulada Hunts Point

Golaha Jagada Lr. 1

Ken Fisher

Ken Fisher

3100 80TH AVE NE

HUNTS POINT, WA 98004

Education: Ka Qalin Jebiyay University of Washington, Shahaadada Jaamacadda Cilmi-Nafsiga
Occupation: Maalgelinta Hantida Ma-guurtada ah
Statement:

Waxaan qadarinayaa fursaddii aan u helay inaan u adeego degganeyaasha Tuulada Hunts Point 16-kii sano ee la soo dhaafay. 14 sano Golaha Tuulada iyo 2 sano Guddiga Qorshaynta. 


Waxaan u tartamayaa xilkan si aan ugu sii adeego danihiinna, anigoo la shaqaynaya degganeyaasha, xubnaha Golaha Tuulada, Duqa, shaqaalaha, iyo bulshooyinka deriska ah si aan u ilaalinno joogteynta dawladdeena iyo dabeecadda deggan ee cagaaran ee tuuladeenna. Waa muhiim inaan sii shaqayno gudaha miisaaniyaddeenna, aan canshuuraha hoos u hayno, aan ilaalinno deegaanka, aan si buuxda u maalgelinno booliskeenna iyo waaxyaha dab-damiska, oo aan ka war hayno kaabayaasha. Waxaan sii wadi doonaa inaan idinla shaqeeyo si aan u ilaalinno waxyaabaha macquulka ah oo aan u horumarino kuwa aan sidaas ahayn.


Sharaf bay ii ahaan doontaa inaan helo codkaaga si aan u sii wada shaqayno si loogu ilaaliyo tuuladeenna inay sii ahaato meel cajiib ah oo lagu noolaado sanadaha soo socda.
 

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka