King County logo
v1.0.0

Magaalada Tukwila

Golaha Jagada Lr. 5

Ziggy Samra

Ziggy Samra

PO BOX 88733

TUKWILA, WA 98138

(253) 970-8318

1ziggy@gmail.com

voteziggy.com

Education: Shahaadada Jaamacadda ee Maamulka Ganacsiga, Suuqgeynta ee ka socota University Of Washington. Taqasus yar Dhaqaalaha.
Occupation: Mulkiilaha ganacsiga yar; Dalaalka Hantida Ma Guurtada ee Terry Wise & Associates
Statement:

Anigoo ah aabbe, mulkiile ganacsi yar iyo soo galooti, waxaan u tartamayaa inaan Golaha Magaalada keeno cod cusub oo firfircoon. Waxaan diiradda saarayaa waxa aadka muhiimka ugu ah deganeyaasha: badbaadada dadweynaha, guryo la awoodi karo, iyo ilaalinta ganacsiyada maxalliga ah iyo bulshooyinka soogalootiga ah.


Waxa si sharaf leh ii taageeray hoggaamiyeyaasha sida ugu wanaagsan Tukwila u yaqaan:  Duqa Magaalada Thomas McLeod, Xubinta Golaha De'Sean Quinn, iyo Xubin hore ee Golaha Joe Duffie—waayo waxay igu kalsoon yihiin inaan joojiyo siyaasadda kala qaybinaysa oo aan keeno natiijooyin. Waxaan taageero ka helayaa ururada shaqaalaha sida Plumbers and Pipefitters Local 32, waxaana abuuri doonaa shaqooyin mushahar wanaagsan leh oo aan u istaagi doonaa qoysaska shaqeeya.


Markaan la kulmo codbixiyeyaasha magaaladayada oo dhan, waxaan maqlaa walaacyo isku mid ah: Canshuuraha guryaha oo sareeya iyo amniga. Waxaad u qalantaan xalal dhab ah, ma aha wax la mid ah kii hore. Waxaan u heellanahay inaan hubiyo miisaaniyad dheellitiran oo magaalada ah, anigoo taageeraya ganacsiyada yaryar. Waxaan u dagaalami doonaa Tukwila oo dhammaanteen u shaqeysa. Aan dhisno Tukwila xooggan oo midaysan.


 

Kate Kruller

Kate Kruller

P.O. BOX 69534

TUKWILA, WA 98168

(206) 853-9330

kate@kate4tukwila.com

Kate4Tukwila.com

Education: MBA - Maareynta Injineernimada/Teknolojiyada, BA (Shahaadada Jaamacadda) - Isgaarsiinta, Aqoonsiga Maareynta Mashruuca (PMP)
Occupation: Maamulaha Teknolojiyadda Macluumaadka, Xarunta Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah ee 911-ka Degmada King
Statement:

Waad ku mahadsan tahay sharafta aad i siisay inaan kuugu adeego Golaha Magaalada Tukwila muddo 12 sanno ah iyo Guddiga Dugsiga Tukwila. Codkaaga, waxaan ku ballan qaadayaa inaan sii wado inaan kuu adeego anigoo daacad ah, shaqo adag, iyo caqli guud. 

Mudnaanta: Dadka ka dhig mudnaanta koowaad; guryo la awoodi karo iyo derisyo ammaan ah; hagaajinta doorashooyinka gaadiidka ee magaaladeena; adeegyo badbaado dadweyne oo lagu kalsoonaan karo; iyo miisaaniyado magaalada oo mas’uul ah oo loo kala horumariyay si si wanaagsan laguugu adeego.

Waxaan aaminsanahay dowlad furan oo lala xisaabtami karo oo ixtiraamta canshuur-bixiye kasta, bixisana qiimo sare, oo gaarsiisa doolarka canshuurtaada meel dheer. Waxaan dhisaa bulsho anigoo si firfircoon ula shaqeeya kooxaha xaafadaha, waayeellada, ardayda, halyeeyadii hore, iyo ganacsiyada. Waxaan u doodayaa dadka shaqeeya, waxaanan xoogga siiyaa codadka si loo gaaro aragti wadaag ah. Waxaan qaataa go’aamo xog-ogaal ah oo ku salaysan jawaab-celinta bulshada, waxaana ka go’an inaan matalo waxa dadka ku nool Tukwila doonayaan iyo waxa macno no leh. Fadlan u codee in la doorto Kate Kruller ee Golaha Magaalada Tukwila, Jagada 5.

 

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka