King County logo
v1.0.0

Magaalada Tukwila

Golaha Jagada Lr. 3

Tosh Sharp

Tosh Sharp

PO BOX 68065

TUKWILA, WA 98168

(206) 900-1212

tosh4tukwila@gmail.com

toshfortukwila.com

Education: Shahaadada Jaamacadda ee injineernimada CWU, Tikidhka Tababarka (Journeyman's Ticket) IBEW 77
Occupation: Shaqaalaha Korontada Sare, Magaalada Seattle
Statement:

Sida nin xaas leh, aabaha laba carruur ah oo yaryar, shaqaale koronto, iyo Guddoomiyaha Golaha Magaalada, adeeggaygu waa waxa iga dhaqaajiya dhammaan doorarka aan ciyaaro. Waxaa sharaf ii ahayd inaan idiin adeego afartii sano ee la soo dhaafay waxaanan codsanayaa sharafta in la ii oggolaado inaan sii wado matalaaddiina.


Tukwila waa bulsho kala-duwan oo shaqo adag, waxayna u qalantaa hoggaan wax-ku-ool ah oo lala xisaabtami karo. Waxaan taageeraa canshuuro mas’uuliyad leh oo yareeya culayska qoysaska iyo ganacsiyada yaryar, iyadoo la ilaalinayo adeegyo magaalo oo adag oo hufan. Badbaadada dadweynuhu waa lama huraan. Waxaan sii hubin doonaa in booliiskeena si fiican u tababaran yihiin oo qalabaysan si ay u ilaaliyaan derisyadeenna. Sidoo kale waxaan taageerayaa ballaarinta guryaha iyadoo la dhimmayo caqabadaha horumarinta lana dhiirigelinaayo korriin caqli-gal ah oo waara. Waxaan hoggaamiyaa anigoo daah-furan, marka hore waan dhegaystaa, ka dibna waan ka falceliyaa waxa ugu muhiimsan. Waad ku mahadsan tahay codkaaga.


Waxaa taageeray: Xubinta Golaha Degmada Teresa Mosqueda; hoggaamiyeyaasha la soo doortay ee Tukwila, SeaTac iyo Burien, iyo ururada shaqaalaha ee matalaya qoysaska shaqeeya. Laakiin waxa ugu muhiimsan, waxaa taageeray Deganeyaasha Tukwila. Wax dheeraad ah ka baro: ToshForTukwila.com

Hannah Hedrick

Hannah Hedrick

12562 50TH PL S

TUKWILA, WA 98178

(206) 850-3477

Hannah4tukwila@gmail.com

www.hannah4tukwila.com

Education: Shahaado Jaamacadeedka Maamulka Ganacsiga, University of Arizona; daraasaadka kalkaalisanimada ka hor, Bellevue College
Occupation: Xubinta Golaha Magaalada ee Tukwila, Maareeyaha Mashruuca, Connections Health Solutions
Statement:

Inaan u adeego deganeyaasha golaha magaalada Tukwila waa sharaf. Intii aan ku jiray Golaha, Waxaan si adag uga shaqeeyay inaan dhegaysto bulshada, iska kaashano, isla markaana aan keeno natiijooyin dhab ah oo u adeegaya bulshada.

Haddii ay tahay ballaarinta guryaha la awoodi karo, hagaajinta badbaadada dadweynaha , ama ka dhigista Aqalka Magaalada mid jawaab celin leh, dadka waxaan isugu keenaa si wax loo qabto. Iyadoo aan khibrad ballaaran u leeyahay waaxda gaarka loo leeyahay iyo maamulka deegaanka, waxaan ogahay in horumarka uu dhaco marka aan hoggaaminno daacadnimo, raadinno meel dhexe, oo aan diiradda saarno waxa ay deganeyaashu dhab ahaantii u baahan yihiin. Taasi waa farqiga tartankan. 

Waxaan ku faanayaa inay i taageereen hoggaamiyeyaal lagu kalsoon yahay oo ka socda Tukwila iyo gobolkeena, oo ay ku jiraan Duqa Magaalada Thomas McLeod, Xubnaha Golaha Verna Seal, Jovita McConnell, iyo De’Sean Quinn; iyo sidoo kale Ururka Shaqaalaha Dab-damiyeyaasha ee 1747, Dimuqraadiyiinta Degmada King, iyo Golaha Ururka Shaqaalaha Degmada ee MLK Jr. Waxay ogyihiin inaan ahay qof mabda' leh oo wax ku ool ah, waxaanan sii wadi doonaa inaan u shaqeeyo Tukwila oo ka wanaagsan oo ammaan ah qof walba. Waxaan si naxariis leh ku weydiisanayaa codkaaga.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka