King County logo
v1.0.0

Magaalada Snoqualmie

Golaha Jagada Lr. 1

Dan Murphy

Dan Murphy

PO BOX 101

SNOQUALMIE, WA 98065

(201) 694-6027

dan@dan4snoqualmie.com

www.dan4snoqualmie.com

Education: MBA, Cornell University. Shahaadada Cilmiga Adabka, Taariikhda, Colgate University
Occupation: Aasaase-Wadaagga ee Istaraatijiyadaha Wanaagga Guud (Common Good Strategies), La-taliyaha Arrimaha Dadweynaha, iyo Aabbe.
Statement:

Magaalada Snoqualmie waa halka aniga iyo xaaskayga aan dooranay inaan ku korinno labadeena gabdhood ee yaryar—waa bulsho isku xiran oo caan ku ah quruxdeeda dabiiciga ah, amniga, iyo socodka fudud.

Muddo ka badan 15 sanno, waxaan la talinayay dowladaha iyo ganacsiyada, waxaanan hoggaaminayay kooxo, maamulayay miisaaniyado, anigoo abuuraya xalal macquul ah. Sida Guddoomiyaha Qorsheynta, waxaan taageeray ganacsatada deegaanka anigoo yareynaya xeerarka adag iyo dhiirigelinta ganacsiyada loo lugeyn karo. Waxaan keeni doonaa isla hoggaaminta wax ku oolka ah, ee loo dhan yahay, Golaha Magaalada.

Golaha, waxaan mudnaan siin doonaa ammaanka dadweynaha si aan u hubiyo in saraakiisha iyo kuwa ugu gargaarka degdegga ay haystaan qalabka ay u baahan yihiin. Waxaan la shaqeyn doonaa ganacsiyada yaryar ee ku yaal Magaalada Taariikhiga ah ee Downtown (Bartamaha Magaalada) iyo Ridge (Geeska Buuraha) si aan u sii hayno waddooyinka ganacsiga ee magaalada Snoqualmie inay firfircoon yihiin sannadka oo dhan. Waxaan sidoo kale ka shaqeyn doonaa inaan dib u dhiso kalsoonida magaalada North Bend si aan uga wada shaqeyno fursadaha iyo inaan si wadajir ah u wajahno caqabadaha. Waxaa iga go'an inaan ilaaliyo waxa ka dhigaaya magaalada Snoqualmie mid gaar ah, anigoo isla markaana u sameynaya aragti mustaqbalkeena oo ku saleysan furfurnaan iyo wada shaqeyn. Taageerooyinka: Degmada King iyo Dimuqraadiyiinta Degmada Sharci Dejinta 12aad.

Ethan Benson

Ethan Benson

38950 SE ALPHA ST.

SNOQUALMIE, WA 98065

(310) 621-1922

vote4benson@gmail.com

Education: Shahaadada Cilmiga Adabka: Ruushiyaanka; Shahaadada Mastarka ee Cilmiga Waxbarashada ee ka socota University of Southern California
Occupation: U adeegga Guddoomiyaha Isboortiga Snoqualmie, Wacyigelinta Bulshada Ciyaaraha Dadka Waaweyn
Statement:

Qoyskaygu waxay u guureen magaalada Snoqualmie sannadkii 2011 waana jeclaanay magaalada. Xaaskeyga ayaa ka furtay Rooster Valley Farm School (Dugsiga Beerta Dooxada Rooster) bartamaha magaalada sanadka xigay, aniguna waxaan bilaabay inaan maamulo horyaallada ciyaaraha dadka waaweyn ee bulshada dhexdeeda. Waxaan u tartamay Golaha si aan ugu adeego. Waxaan jeclaan lahaa inaad fahanto sida aan go'aamada u sameeyo anigoo ah xubinta golaha.

Go'aan kasta oo Golaha horyaalla, waxaan ku cabbiraa jawaabtayda iyadoo la tixgelinayo saddex qiyam oo aan u arko inay yihiin kuwa ugu muhiimsan. Amniga Dadweynaha; Mas'uuliyadda Maaliyadeed; Xuquuqda Shakhsiyeed. Haddii go'aan uu khilaafsan yahay mid ka mid ah qiyamkaas, taasi waa arrin aad iiga walaac badan. Mararka qaarkood qiyamkan waa is khilaafaan, waana dabiici, taasoo ka dhigaysa xisaabta mid adag, xitaa xanuun badan. Waa mas’uuliyad weyn.

Waxay ahayd sharaf inaan u adeego sidii mid ka mid ah wakiilladaada golaha muddadii la soo dhaafay. Waxaan rajeynayaa inaad ii oggolaato doonto inaan kuu shaqeeyo.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka