King County logo
v1.0.0

Magaalada Shoreline

Golaha Jagada Lr. 3

Laura Mork

Laura Mork

20126 BALLINGER WAY NE PMB299

SHORELINE, WA 98177

(206) 546-5050

vote4lauramork@gmail.com

www.lauramork.com

Education: Shahaadada Jaamacadda, Injineernimada Kiimikada, University of Washington; Maareynta Mashruuca Xirfadle (PMP), (CEM)
Occupation: Injineer, Maareeyaha Mashruuc, Xarumaha, iyo Tamarta (CEM)
Statement:

Waxaa sharaf ii ahayd in aan u adeego Magaalada Shoreline ee Golaha Magaalada afartii sanno ee la soo dhaafay iyo in aan matalo magaaladeenna guddiyo badan oo ka tirsan Degmada King, oo ay ku jirto in aan ku xigeen u noqdo Guddiga Tayada Biyaha Goboleedka. Waxaan ka shaqeeyay inaan fidiyo doolarkaaga canshuurta anigoo helay maalgelin dheeraad ah oo deeq ah, waxaanan ku dadaalay isbeddelo si loo caawiyo dadka danyarta ah inay helaan kaalmo adeegyo. Waxaan u ololeeyay in la ballaariyo helitaanka jardiinooyinka ee xaafad kasta, isbeddelada xeerarka si loo kordhiyo sahayda guryaha la awoodi karo, iyo siyaasadaha lagu yareynayo saameynta cimilada ee magaalada Shoreline.

Waxaan leeyahay taariikh dheer oo ku saabsan adeegga dadweynaha ee magaalada Shoreline, oo ay ku jiraan guddiga Qorsheynta iyo guddiga degmada biyaha wasakhda ee Ronald. Waxaan u tartamayaa muddo kale sababtoo ah waxaa jira wax badan oo la qabanayo, oo ay ku jiraan hagaajinta adeegyada ammaanka dadweynaha iyo ka dhigista xaafadaha bulshadeenna kuwo lagu lugeyn karo oo soo dhawweyn leh. Waxaan jeclaan lahaa in aad codkaaga iyo taageeradaada i siisid si aan u dhiso bulsho ka jaban, sinnaan badan, oo waara oo qof walba u furan.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka