Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Magaalada Seattle
Golaha Jagada Lr. 8
Alexis Mercedes Rinck
PO BOX 20084
SEATTLE, WA 98102
(206) 705-9305
Tan iyo maalintii ugu horreysay ee aan ku biiray Golaha, waxaan ahaa cod u taagan isbeddel horusocod ah iyo dadka shaqeeya– anigoo hoggaaminaya dadaalka si loo maalgeliyo guryaha la awoodi karo ee ururka shaqaalaha uu dhisay, loo ilaaliyo mushaharka iyo faa'iidooyinka, loona hubiyo in nidaamka amniga dadweynaha uu yahay mid lala xisaabtami karo, si habboon u shaqaaleysan, oo ka jawaaba. Waxaan la shaqeeyay sharci-dejiyeyaasha si aan u xaqiijiyo maalgelinta barnaamijyada naga ilaalinaya oo ka caawiya dadka xaaladaha adag, waxaanan ansixiyay xirmo koronto-gelinta gaadiidka si aan u gaarno yoolalka cimilada.
Hoggaankayga hoostiisa, Guddiga Jawaabta Federaalka ee cusub ee Golaha ayaa tallaabo qaaday si ay u ilaaliso Seattle. Waxaan la shaqeyneynaa la-hawlgalayaasha deegaanka iyo kuwa gobolka si aan u ilaalino xuquuqda deriskeena. Si looga hortago dhimmista miisaaniyadda, waxaan isku keenay shaqaalaha, ganacsiyada yaryar, Duqa Magaalada, iyo Golaha si loo ansixiyo siyaasadda canshuurta horumarka leh ee ilaalisa adeegyada muhiimka ah.
Anigoo ay i dhaleen waalidiin dhallinyaro ah oo ku jiray dhibaatada iyo rabshadaha gaangiga, isticmaalka maandooriyaha, iyo hoy la’aanta, waxaan awooday inaan horumaro taas oo aan uga mahadnaqaayo waalidka waalidiintayda, macallimiin wanaagsan, iyo Naadiga Wiilasha & Gabdhaha. Tan ayaa horseed u ah ballanqaadkayga ah inaan dhiso Seattle oo uu qof walba ku guuleysan karo, ayadoon loo eegin asalkooda ama dakhliga reerka.
Waxaan keenayaa hab iskaashi ah oo talo ku saleysan oo ku saabsan dejinta siyaasadaha oo diiradda saaraya sinnaanta, naxariista, iyo saameynta dhabta ah ee nolosha. Waxaan taageeray tallaabooyinka cimilada anigoo maalgelin ku sameeyay jidadka lugeynta, gaadiidka, iyo kaabayaasha cagaaran, waxaanan ka shaqeynayaa sidii loo diyaarin lahaa miisaaniyadda magaalada oo dheelitiran, oo horusocod ah, taasoo ilaalinaysa adeegyada muhiimka ah.
Waxaan gaarnay horumar macno leh, laakiin waxaa jira waxyaabo dheeraad ah oo loo baahan yahay. Waxaan u tartamayaa inaan sii wado shaqadaan—horumarinta guryaha la awoodi karo, u istaagidda shaqaalaha, hagaajinta badqabka xaafadaha, iyo ilaalinta xuquuqda madaniga ah. Waxaan sii wadi doonaa inaan soo muuqdo, si dhow u dhegaysto, oo aan dhiso isbahaysiyo si aan ugula kulanno xilligaan si degdeg ah iyo daryeel. Waxaan jeclaan lahaa inaan kasbado taageeradiina sii socota.
Taageerooyinka: Dhammaan Kooxaha Dimuqraadiga Seattle; Golaha Shaqaalaha MLK iyo Ururka Shaqaalaha Deegaanka; Isbahaysiga Mas’uuliyadda Hubk; U doodeyaasha Isbahaysiga Waalidnimada Qorsheysan; Codadka OneAmerica; Sanduuqa Guusha ee LGBTQ+ ; Xildhibaan Jayapal; Xubnaha Golaha Degmada iyo Sharci-dejiyeyaasha ee ka socda degmo kasta oo Seattle—iyo in ka badan!
Rachael Savage
FRIENDS OF RACHAEL SAVAGE 505 BROADWAY E. #265
SEATTLE, WA 98102
(206) 619-5427
Tan iyo 2020, joogitaanka joogtada ah iyo dabeecadda aan la saadaalin karin ee dadka la tacaalaya balwadda iyo xanuunnada dhimirka ayaa khatar geliyay badbaadada oo dhaawacay karaamada qof kasta oo ku nool, ka shaqeeya, ama booqda Seattle. Sida mulkiile ganacsi ahaan, waxaan si toos ah u dareemay saameyntaas xun. Waxaan arkay sida xaaladaha waddooyinka ee laga hortegi karo ay u burburiyaan ganacsiyada, derisyada, iyo saldhigga canshuurta. Anigoo deggane ah, waxaan la tacaalayaa kirada iyo kharashaadka nololeed ee sii kordhaya.
Sida qof balwad lahaan jiray oo leh tobannaan sano oo soo-kabasho ah, waxaan ogahay in tayada nolosha magaalada si weyn loo hagaajin karo haddii aan beddelno sida aan ula dhaqanno dadka balwadda qaba iyo kuwa xanuunnada dhimirka qaba. Sida xubintaada golaha magaalada, waxaan wax ka beddeli oo meel marin doonaa sharciyo siinaya kuwa dembiyada gala doorasho cad: xabsi ama daaweyn, waxaana dhammeyn doonaa siyaasadda guryaha bilaashka ah ee dadka balwadda weli ku jira. Annagoo kaashanayna maalgelinta federaalka, si dhakhso ah ayaan ugu wareegi karnaa daaweyn iyo guryo ku dhisan ka-fogaanshaha (abstinence).
Waxaan ka shaqayn doonaa dib-u-dhiska booliska iyo maxkamadaha si ay ugu laabtaan doorarkooda ku habboon ee ah in si adag loogu jihayso dadka balwadda qaba isbeddel iyo dib-ugu-biirid bulsho. Waxaan dhisi doonaa nidaam casri ah oo daryeel hoyeed, kana fog derisyadeenna. Waxaan yareyn doonaa farqiga mushaharka vs. kirada annagoo si toos ah u kabaya shaqaalaha mushaharka ugu yar ee dadaalaya.
Waxaan taas ku gaari karnaa canshuuro cusub la’aan. Dowladda Federaalka ayaa magaalooyinka siinaysa sal-dhig sharci iyo maalgelin barnaamijyo iyo xarumo cusub. Maalgelintaan ayaa xarig badbaado u ah Seattle. Ma awoodno inaan lumino maalgelinta ama aan kordhino canshuuraha ganacsiga. Si aan u gaarno yoolalkan waa in aynu joojinnaa cabsi ku-noolaanshaha. Anigu waxaan matalayaa dhaqdhaqaaq muwaadiniin Seattle ah oo aan cabsi qabin. Kuwa garwaaqsan in cid kasta oo nala wadaagta yoolka magaalooyin ammaan ah oo barwaaqo ah ay yihiin asxaabteena dhabta ah. U codee Savage.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications