Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Magaalada SeaTac
Golaha Jagada Lr. 2
SeaTac waxay u qalantaa hoggaamiye u heellan oo si aan daal lahayn uga shaqeeya ilaalinta amniga bulshadeenna, ka dhigidda adeegyada magaalada kuwo si hufan uga jawaaba, iyo maalgelinta mustaqbalkeenna. Waxaan iga go’an ballaarinta adeegyada muhiimka u ah waayeelka, kordhinta doorashooyinka guryaha la awoodi karo, dejinta kirada, taageeridda barnaamijyada dugsiga ka dib ee carruurteena, iyo awood-siinta ganacsiyada yaryar si ay u koraan.
Afartii sano ee aan golaha ka tirsanaa, waxaan keenay waayo-aragnimo nolol-dhab ah iyo ballanqaad xooggan oo adeegga dadweynaha ah, waxaanan horumarinay magaaladeenna. Anigoo ah Guddoomiyaha Maamulka & Maaliyadda iyo xubin ka tirsan gudiyada Badbaadada Dadweynaha, Gaadiidka, iyo Marinnada Lugeeyayaasha (Sidewalks), waxaan ka shaqeeyay ballaarinta marinnada lugeeyayaasha, taageeridda ganacsiyada yaryar intii lagu jiray faafiddii COVID-19, ballaarinta barnaamijyada waayeelka, iyo isu-dheellitirka miisaaniyadda—iyada oo aan la kordhin canshuurta hantida.
Aniga oo ay degganeyaasha SeaTac, ururrada shaqaalaha, hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, iyo milkiilayaasha ganacsiyada yaryar igu taageerayaan, waxaan diyaar u ahay inaan sii difaaco mustaqbalka ifaya ee SeaTac. Wadajir, waxa aynu dhisi karnaa bulsho ka ammaan badan, ka xoog badan, oo ka firfircoon. Si xushmad leh ayaan u codsanayaa codkaaga.
Waxaan ahay shaqaale bulsho oo gobolka ah waxaanan u soo shaqeeyay Guddiga La-talinta Adeegyada Bulshada ee SeaTac labadii sanno ee la soo dhaafay. Khibraddayda xirfadeed iyo tan tabarucaadda waxay si gaar ah iigu qalansiiyan inaan dadka isu keeno, xal u helo dhibaatooyinka adag, iyo inaan si mas’uuliyad leh u maamulo lacagta canshuur bixiyeyaasha. Waxaan u tartamayaa inaan magaalada SeaTac ka dhigo tusaale sida magaalooyinka yaryar ay ugu istaagi karaan deganeyaashooda. Deganeyaasha SeaTac waxay la kulmayaan sicir barar ku saabsan nolosha, kaabayaasha dadweynaha oo aan la maalgelin, badqabka gaadiidka/lugta, iyo dareenka in codkooda aan laga maqlin hoolka magaalada. Waxaan samayn karnaa si ka wanaagsan. SeaTac waa wax ka badan xarun gaadiid. 30% ee aagga SeaTac waa garoonka diyaaradaha, laakiin in ka badan 30,000 oo qof ayaa halkan ku nool. Waxaan u adeegsan doonaa wakhtigayga Golaha Magaalada si aan u hubiyo in codadka deganeyaashayada la maqlo marka hore oo aan diiradda saaro natiijooyinka. Taageerooyinka: Ururka Shaqaalaha MLK, Senatar Orwall, Wakiil Obras, Dimuqraadiyiinta Degmada 33aad, Kutlada Siyaasadda Haweenka WA, Golaha WFSE 28, AIM 751, Dab-damiyeyaasha Puget Sound L1747, iyo in ka badan.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications