King County logo
v1.0.0

Magaalada Sammamish

Golaha Jagada Lr. 3

Sid Gupta

Sid Gupta

3020 ISSAQUAH PINE LAKE RD SE #252

SAMMAMISH, WA 98075

(000) 000-0000

electsidgupta@gmail.com

sidforsammamish.com

Education: Bartay Cilmiga Siyaasadda at University of Tulsa; Native Plant Stewardship Program (Barnaamijka Maamulidda Dhirta Dhaladka ah), Washington Native Plant Society
Occupation: Xubin ka tirsan guddiga ururka deegaanka aan faa’iido doon ahayn; Xubinta Golaha Magaalada
Statement:

Waxaan u tartamayaa dib-u-doorasho si aan hore ugu sii xaqiijiyo Sammamish mas'uuliyad leh, mid loo dhan yahay, oo barwaaqo ah. Waxaan siddeed sanno ku soo qaatay Guddiga Jardiinooyinka iyo Madadaalada, sida Ilaaliyaha Dhirta Asalka ah, iyo sida Mutadawaca Sannadka 2018 ee magaalada Sammamish. Waxaan toban sanno ku bixiyay u beddelidda hamiga bulshadeenna siyaasad micno leh.

Sii jiritaanku waa in uu udub-dhexaad u noqdo cimiladeenna, gaadiidkeenna, iyo siyaasadaheena maaliyadeed. Si loo la tacaalo caqabadaha ku saabsan ilaalinta deegaanka, isku xirnaanta gaadiidka noocyo badan, horumarinta dhaqaalaha, iyo sinnaanta, waxaan hormariyay iskaashi goboleed anigoo la shaqeynaya guddiyo ay ka mid yihiin Eastside Transportation Partnership (Iskaashiga Gaadiidka ee Eastside) iyo Kokanee Work Group.  Waxaan taageerayaa xarun magaalo oo xooggan oo bixisa guryo kala duwan oo la awoodi karo, anagoo ilaalinayna lacagteena Sammamish; hadafka dabool geedo caafimaad qaba, oo hagaya daryeelkeenna iyo istaraatiijiyadeenna maaraynta xaaladaha degdegga ah; iyo xarun bulsho oo u adeegeysa waayeelka, dhallinyarada, iyo ururada aan faa'iido doonka ahayn ee deegaanka.  Kala duwanaanshaheenna ayaa ah xooggeenna.  Aan noqono kuwo ka sii xoog badan wadajirka.

Waxaa taageeray Waxqabadka Ilaalinta Washington, Sierra Club/WA, Dimuqraadiyiinta Degmada King, & Dimuqraadiyiinta Degmada Sharci Dejinta 5aad, 41aad, and 45aad.

Josh Amato

Josh Amato

704 228TH AVE NE #426

SAMMAMISH, WA 98074

(253) 722-9089

Josh@JoshForSammamish.com

JoshForSammamish.com

Education: Dhigtay DeVry University; Guddoomiyihii hore ee Sammamish Rotary; Xubinta Guddiga Bulshada Daryeelka Xoolaha Horumarka leh (PAWS)
Occupation: Mulkiilaha Ganacsi Yar; Guddoomiye Ku-xigeenka Hore ee Guddiga Qorsheynta Magaalada Sammamish
Statement:

Bulshadeennu waxay u qalantaa dowlad shaqeysa. Laakiin Golaha ayaa lumiyay diiradda — kor u qaadista canshuuraha, dib u dhigista hagaajinnada kaabayaasha, iyo ku liidata qorsheynta xaaladaha degdegga ah. Waxaan ku dadaalli doonaa dowlad keenta horumar la cabbirri karo, si firfircoon u dhegaysata, oo jawaab celin leh.

Waxaan weydiin doonaa su'aalo adag, mudnaan siin doonaa, oo dib u habeyn doonaa miisaaniyadda si aan u abuurro dowlad loo dhan yahay, oo daah furan oo kuu shaqeysa. Waxaan taageersanahay ballanqaadyada lagu sameeyay aragtida asalka ah ee Town Center si loo abuurro guryo loogu talagalay waayeelka iyo qoysaska da'da yar — maaha in la labanlaabno ilaa 4,000 unug. Waxaan hagi doonaa kobaca dheelitiran si aan u ballaariyo guryaha waara, u hagaajiyo kaabayaasha, oo u kordhiyo fursadaha gaadiidka dadweynaha anigoo ilaalinaya deegaanka iyo xaafadaha.

Waxaan ku dadaalli doonaa in dhismaha CWU ee bannaan loo beddelo xarun bulsho oo firfircoon. Ka fikir meel ay deriska ku xirmaan jiilal kala duwan, dhacdooyinka dhaqameedna ay nolosha kobciyaan, ganacsiyada yaryarna ay koraan, dukaanka dharka la isticmaalo ee raqiiska ahna uu taageero adeegyada muhiimka ah. Aynu dhisno Sammamish firfircoon, si wadajir ah. Waxaan si xushmad leh kuu weydiisanayaa codkaaga.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka