King County logo
v1.0.0

Magaalada Renton

Garsoore Maxkamadda Dowladda Hoose Jagada Lr. 2

Kara Murphy Richards

Kara Murphy Richards

PO BOX 27113

SEATTLE, WA 98165

(206) 947-3852

Karamurphy@live.com

Education: Notre Dame Law School, JD 1995
Occupation: Maxkamadda Dowladda Hoose ee Renton, Garsooraha Guddoominaya
Statement:

Garsoore Murphy Richards waxay rajeynaysaa inay sii waddo u adeeggida Renton. Waxaa 2019 magacaabay Mayor Law (Hawlgabay) si loo bilaabo Maxkamadda Bulshada (Community Court) ee ugu horreysay Renton, waxaana la doortay 2021. Kara waxay leedahay xirfad adeeg dadweyne oo ku dhawwaad 40 sanno ah. Waxay u soo shaqeysay sida Shaqaale Bulsho, Sarkaal Kormeere (Probation Officer), U-doodaha Dhibaneyaasha Rabshadaha Qoyska, Qareenka Xeer Ilaalinta, iyo Garsoore ku-meel gaar (Pro Tem) ahaan. Waxay si adag uga shaqeysay in maxkamadda loo geeyo fasallada iyo bulshada, isla markaana bulshada iyo fasalladaba lagu soo dhawweeyo qolka maxkamadda iyada oo loo marayo dhacdooyin sida Maalinta Dastuurka, Maalinta Sharciga, iyo tartamo maxkamadayn majaajillo ah oo kala duwan.

Kara iyo ninkeeda Craig waxay ku nool yihiin Renton Highlands. Waxay leeyihiin lix carruur ah, lix awoowe/ayeeyo u yihiin iyo afar ey oo la jecel yahay. Kara, oo hore uga mid ahayd guddiga Mary’s Place iyo Athletes for Kids (Xarunta Mary iyo Ciyaartoyda Taageera Carruurta), waxay sidoo kale ku raaxaysataa inay ka hadasho mowduucyo kala duwan. 

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka