Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Magaalada Newcastle
Golaha Jagada Lr. 7
Sarah Goodman
6947 Coal Creek Parkway SE #178
NEWCASTLE, WA 98059
(425) 271-4037
Aniga oo ah Xubin Golaha Magaalada Newcastle, waxaan mudnaanta siin doonaa badbaadada dadweynaha, korriin mas’uul ah, iyo dowlad daah-furan oo jawaab leh. Waxa iga go’an ilaalinta bilicda dabiiciga ah, amniga, iyo ruuxa magaalo-yareedka Newcastle xilli ay bulshadeennu korayso, iyadoo aan la kordhin canshuuraha.
Anigoo leh in ka badan 25 sano oo aan Maareeye Barnaamij (Program Manager) ka ahaa Microsoft, waxaan la imaanayaa xirfado xoog leh oo miisaaniyadeyn, maareynta mashaariic, iyo xallinta dhibaato wada-shaqayn ku salaysan; qalab ay u baahan tahay magaaladeennu si ay u ahaato mid dhaqaale ahaan xasilloon iyadoo weli bixisa adeegyada aasaasiga ah. 20 sano ka hor, aniga iyo saygaygii geeriyooday waxaan doorannay Newcastle maxaa yeelay waxaan rabnay inaan qoyskeenna ku korinno bulsho ammaan ah oo deris-wanaag leh. Wiilkayga ayaan halkan ku koriyey iyadoo magaaladeennu u kortay bulsho firfircoon oo si dhow isugu xiran oo aynu dhammaanteen qiimeyno.
Waxaan aaminsanahay in kala-duwanaanta aragtiyuhu ay xoog leedahay. Waxaa iga go’an dhageysiga, kobcinta wadahadal ixtiraam leh, iyo hubinta in natiijooyinka lagu hago talo-wadaag bulsho. Aan si wadajir ah u shaqeyno si Newcastle ay u sii ahaato magaalo soo dhaweyn leh oo barwaaqo ah jiilalka soo socda. Si ixtiraam leh waxaan kaa codsanayaa codkaaga.
Andy Jacobs
6947 COAL CREEK PKWY SE #271
NEWCASTLE, WA 98056
(425) 891-6741
No statement submitted
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications