King County logo
v1.0.0

Magaalada Maple Valley

Golaha Jagada Lr. 2

Sinar Indah Bond

Sinar Indah Bond

26673 220TH PL SE

MAPLE VALLEY, WA 98038

(509) 942-8615

sinardlite@icloud.com

Education: Shahaadada cilmiga adabka ee suugaanta Ingiriisiga
Occupation: wakiilka hantida ma guurtada
Statement:

Waxaan leeyahay in ka badan toban sanno oo khibrad macalinimo ah, anigoo isla mar ahaantaana xilal sare ka qabtay maamulka shirkado Fortune 500, ka dibna aan guulo muuqda ka gaaray suuq-geynta iyo iibka, waxaan dhistay saldhig adag oo hoggaamineed. Waxaan markii dambe maamulay ganacsigayga gaarka ah, oo ay iibinta guryaha, anigoo weli sii wada shaqadayda macallinnimo. 

Anigoo luqado badan ku xeeldheer, waxaan xaqiijin doonaa in codka degane kasta uu qaabeeyo magaaladeena kobcaysa. Waxaan isku soo taagayaa si aan u keeno canshuuraha hoose, waddooyin ammaan ah, iyo koritaan caqli-gal ah oo hore u mariya firfircoonida dhaqaalaha. Taariikhda waxbarashadayda iyo aragtidayda gaarka ah ee ah soogalooti ku ah USA waxay sii xoojineysaa awooddayda aan ugu midaynayo aragtiyo, taas oo muhiim u ah bulshadeenna sii balaaraneysa.

Laga bilaabo fasallada ilaa hoggaanka shirkadaha, waxaan sii xoojiyay xalal ku saleysan xog cad. Maple Valley waxay u baahan tahay xubin golaha oo u dooda miisaaniyado hufan, ammaan adag, iyo horumar firfircoon si loo soo jiito shaqooyin, iyadoo la xoojinayo tayada nolosha. Khibraddayda waxay ii diyaarinaysaa inaan hoggaamiyo kobaceena si loo dhan yahay. Igu soo biir si aan u dhisno magaalada Maple Valley oo midaysan, barwaaqaysan! 

Didem Pierson

Didem Pierson

23126 SE 243RD PL

MAPLE VALLEY, WA 98038

didempierson@gmail.com

Education: Shahaado Jaamacadeedka Labada Sanno-Isgaarsiinta Bellevue College
Occupation: La-taliye
Statement:

"Mar walba uga tag meesha si ka fiican intii aad ku heshay." Mabda'a hagidda ah ayaa qaabeeyay sida aan ugu adeego oo aan ula falgalo bulshadeenna. Waxaan ka mid ahaa Golaha Magaalada Maple Valley tan iyo 2022, hadda waxaan guddoomiyaa Guddiga Maaliyadda, anoo oo horrey u hoggaaminayay Guddiga Kormeerka Ammaanka Dadweynaha. Iyadoo aan leeyahay 16 sanno oo aan ku jiray Golaha Dugsiga, adeegga Guddiga Tallaabooyinka Maareynta Degdegga ah ee Degmada King iyo Guddiga Waxbarashada Madaniga ah. Waxaan keenayaa hoggaan la xaqiijiyay, qoto dheer, iyo heellanaan u ku aaddan adeegga dadweynaha.

Mudnaantaydu waxaa ka mid ah amniga dadweynaha, ka-qaybgalka bulshada, gaadiidka, ilaalinta goobaha cagaaran, iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaan ahay qof xagga dhaqaalaha ka taxaddara, waxaan mudnaanta siinayaa miisaaniyado isku dheelitiran oo daboolaya baahiyaha iyadoo laga fogaanayo khasaaraha iyo ka ilaalinta deganeyaasha canshuuraha aan loo baahnayn. Waxaan sii wadi doonaa inaan u ololeeyo Maple Valley oo ammaan ah, isku xiran, oo horrey u socota.

Maadaama aan ahay soogalooti oo aan imid Mareykanka anigoo dhallinyaro ah, waxaan fahamsanahay qiimaha fursadda iyo adeegga. Taariikhda wax qabadkeeyga waxay muujinaysaa khibrad lagu kalsoonaan karo, fulinta ballanqaadyada, iyo u heellanaanta bulshadeenna.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka