Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Magaalada Lake Forest Park
Golaha Jagada Lr. 5
Reid Olsen
2856 NE 183RD ST
LAKE FOREST PARK, WA 98155
(000) 000-0000
Qoyskaygu wuxuu u so guuray Lake Forest Park 5 sanno ka hor, annagoo uu na soo jiitay bilicdeeda dabiiciga ah iyo ruuxa bulshada. Maanta, waxaan u tartamayaa Golaha Magaalada si aan hoggaankeena ugu keeno aragti cusub iyo xirfado xallinta dhibaatooyinka oo la xaqiijiyay. Waxaan 15 sanno u huray dhisidda kala-guur ku jihaysan mustaqbal waara, waxaanan aaminsanahay in mustaqbalka Lake Forest Park uu ku xiran yahay in miisaaniyaddeenna la geliyo xakameyn. Waxaan u baahanahay iskaashi wax-ku-ool ah oo dheeraad ah oo aan la yeelanno gobolka iyo bulshooyinka deriska ah. Waxaan diiradda saari karnaa adeegsiga doolarka canshuur-bixiyeyaasha si xikmad leh, annagoo ilaalinayna adeegyada aan ugu qiimaha badan nahay. Waxaan ka shaqeyn doonaa in Lake Forest Park ay noqoto mid dhaqaale ahaan xooggan, si qoysaska maanta joogaa ay halkan ugu hanaqaadaan, jiilkana xiga uu awood ugu yeesho inuu halkan ku noolaado, ka shaqeeyo, isla markaana ay ku dhistan mustaqbalkooda.
Afar sanno ee la soo dhaafay, si wadajir ah ayaanu u gaarnay horumar dhab ah: waddooyin ammaan badan annagoo hoos u dhignay xawaaraha ugu badan oo adkaynay fulinta sharciga; deegaan caafimaad qaba anagoo dejinnay Qorshaha Ficilka Cimilada; waddooyin cusub oo guryo la awoodi karo annagoo hirgelinnay dib-u-habeynta guryaha dhexe (middle housing); iyo xasillooni maaliyadeed oo la hagaajiyey iyada oo loo marayo miisaaniyadeyn taxaddar leh. Guulahan waxay ka dhasheen in la dhageysto walaacyadiinna lana qaado tallaabo macno leh.
Laakiin shaqadeennu weli ma dhammeyn. Waa in aynu horumarinta waddooyinka ammaan ah gaarsiinnaa ilaa xuduudaha magaalada; u shaqaalaysiinnaa Maareeye Ficilka Cimilada si uu u xoojiyo adkaysiga bulshadeenna ee duufaannada aad u xooggan (bomb cyclones) iyo qiiqa dababka duurka; isla markaana dhammaystirnaa jardiinka harada dhinaceeda si uu ugu adeego dhammaan degganeyaasha.
Anigoo ah Guddoomiyaha Golaha iyo Ku-xigeenka Duqa Magaalada, waxaan hagay doodihii adkaa ee ku saabsanaa guryaha dhexe iyo maaliyadda magaalada si natiijooyin guul leh loo gaaray. Sidoo kale waxaan u adeegaa xidhiidhiyaha Golaha (liaison) ee Guddiga Ficilka Cimilada. Taageeradiinna, waxaan sii wadi doonaa inaan hoggaamiyo daah-furnaan, iskaashi, iyo ballanqaad xooggan oo ku aaddan adeegidda mudnaantiinna iyo mustaqbalka magaaladeenna.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications