King County logo
v1.0.0

Magaalada Lake Forest Park

Golaha Jagada Lr. 3

Josh Rosenau

Josh Rosenau

PO BOX 2

MOUNTLAKE TERRACE, WA 98043

(425) 405-5536

joshforlfp@proton.me

joshforlfp.com

Education: Shahaadada Jaamacadda ee Bayoolajiga, U. Chicago; Shahaadada ugu Sareysa Jaamacadda ee Deegaanka & Bayoolajiga Horumarka, U. Kansas
Occupation: Agaasimaha Siyaasadda, Hey’adda Mountain Lion; Guddiga Jardiinooyinka iyo Madadaalada ee LFP
Statement:

Sideed sanno ka hor, qoyskeygu wuxuu u guuray magaalada Lake Forest Park si ay u helaan xaafado caleen leh, oo lagu socon karo. Waxaan bilaabay inaan mutadawac ka noqdo oo aan uga adeego gudaha hoggaanka PTA ee dugsiyada carruurtayda. Waxaan ku biiray guddiga jardiinooyinka si aan ugu hadlo deriskayga iyo qiyaamkayga anigoo ah saynisyahan ilaalinta deegaanka. Hadda waxaan u tartamayaa inaan fuliyo ballanqaadka magaalada oo ku jirta isku dheelitirnaanta dabeecadda, kor u qaadista ganacsiga iyo kordhinta dakhliga magaalada, iyo in la adeegsado hal-abuurka bulshadeenna si aan u wajahno caqabadaha ugu waaweyn, oo ay ku jiraan awoodda wax iibsiga iyo isbeddelka cimilada.

Aan si wadajir ah u horumarinno tayada nolosha, deegaanka, iyo miisaaniyadda: Oggolaansho siinta kafateeriyo/dukaamo xaafadeed; dhisidda guryo la awoodi karo geedaha dhexdooda si carruurtu ugu soo laaban karaan, waayeelkuna ugu yaraadaan guryaha; ku daridda isku-xirnaansho aan baabuur lahayn oo gaadiidka dadweynaha ah; iyo ka-sameynta waddooyinka meel dadka, geedaha, gaari-gacmeedyada ilmaha, baaskiillada, kuraasta nasashada, iyo ciyaarta.

Taageereen: Dimuqraadiyiinta Degmada King iyo hoggaamiyeyaasha oo ay ku jiraan: Senatarrada Stanford, Salomon; Wakiillada Duerr, Kloba; Xubnaha Golaha iyo meeyarrada LFP, Shoreline, Kenmore, Bothell, Woodinville; Ururka Shaqaalaha Dab-damiyeyaasha Shoreline; Deriska LFP; Wax badan ka baro JoshForLFP.com.

Jon Lebo

Jon Lebo

16026 38TH AVE NE

LAKE FOREST PARK, WA 98155

(206) 321-9690

info@lebo4lfp.com

www.lebo4lfp.com

Education: University of Washington, Shahaado Jaamacadeedka Adabka (BA) ee Daraasadaha Naqshad-dhisme; Shahaado Jaamacadeedka Sayniska (BS) ee Dhismaha.
Occupation: Agaasime Ku-xigeenka Mashruuca, Sound Transit; Hore u ahaa Agaasimaha Mashaariicda Dhismaha (Capital Projects), UW
Statement:

Sida Xubinta Golahaaga, waxaan mudnaanta siiyay adeegyada ammaanka dadweynaha, mas'uuliyadda maaliyadeed, iyo ilaalinta deegaanka. Waxaan maalgeliyay hagaajinnada ammaanka hareeraha waddooyinka oo aan taageeray dadaallada lagu hubinayo in booliiska ay haystaan kheyraadka ay u baahan yihiin si ay bulshadeenna u sugaan. Sida Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda ahaan, waxaan ka caawiyay keenista miisaaniyad daahfuran oo dheelitiran oo daboolaysa baahiyahaaga. Waxaan aaminsanahay inaan si xikmad leh u maamulno maalgelinta jirta ka hor inta aanan idinka codsan inaad bixisaan wax ka badan.

Waxaan ku soo barbaaray magaalada Lake Forest Park waxaanan dib ugu soo laabtay aniga iyo qoyskeyga yar sannadkii 2009. Khibrad ahaan naqshadeeye, Guddoomiyihii hore ee Guddiga Qorsheynta, iyo hadda Xubin Golaha, waxaan dhegaystay walaacyadiina waxaanan si wadajir ah uga shaqeynay inaan qaabeyno siyaasado taageera horumarinta sinnaanta iyo deegaanka oo aan ilaalinno dabeecadda gaarka ah ee LFP.

Waxaan Golaha u keenaa tamar, dhegaysi wax ku ool ah iyo go'aan qaadasho wadajir ah. Sida xubin nolosha oo dhan ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, waxaa iga go'an dowlad u nugul, oo horrey u socota, oo ka tarjumaysa qiyaamka aan wadaagno. Sharaf ayay ii ahaan lahayd inaan kasbado codkaaga.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka