King County logo
v1.0.0

Magaalada Kirkland

Golaha Jagada Lr. 3

Shilpa Prem

Shilpa Prem

PO BOX 2852

KIRKLAND, WA 98083

(541) 224-5072

Shilpa@VoteShilpaPrem.com

www.electshilpaprem.com

Education: JD (Shahaadada Sharciga), Suffolk University Law School; BS (Shahaadada Jaamacadda), Bioengineering (Injineernimada Hidaha), Oregon State University; MLA extension studies (Daraasaadka Kordhinta), Harvard University
Occupation: Qareen Sare, Amazon; Xubin Guddiga Washington CeaseFire iyo EmergeWA
Statement:

Sida hooyo, qareen, iyo deris ku faanaya magaalada Kirkland, waxaan u tartamayaa inaan keeno fikrado cusub iyo cod macquul ah oo ku saleysan xogta Golaha Magaalada. Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray Waqooyiga Galbeed ee Baasifigga, hadda waxaan halkan ku korinayaa mataanahayga waxaanan doonayaa in magaalada Kirkland ay noqoto meel qof walba ku horumari karo.  Taasi waxay ka dhigan tahay in la abuurro guryo la awoodi karo, in la ballaariyo jardiinooyinka, in la yareeyo taraafikada, in gaadiidka la fududeeyo, in la taageero ganacsiyada yaryar, in la hubiyo ammaanka dadweynaha, iyo in lagu dhaqmo mas'uuliyad dhaqaale. In la gaaro yoolalkan waxay u baahan tahay in la dhex maro arrimo adag iyo in la hubiyo in dhammaan codadka la maqlo.

Waxaan ka shaqeeyay talo sare u baahan, anigoo xallinaya dhibaatooyin adag oo dhaqaale ahaan muhiim ah anigoo fasiraya sharciyada, ururinaya xaqiiqooyinka, oo sameynaya go'aanno si maskax leh uga fikiray, caqli-gal ah. Waxaan keenni doonaa isla hoggaaminta ku saleysan xogta ee magaalada Kirkland. Sharaf ayay ii ahaan lahayd inaan kasbado codkaaga.

Taageerooyinka: Dimuqraadiyiinta Degmada King; dhammaan Senatarrada Gobolka ee daboolaya Kirkland; Duqa Magaalada Kirkland Curtis; Xubnaha Golaha Kirkland Arnold, Sweet, Falcone, Black; Xildhibaan DelBene; Naadiga Sierra; Isbahaysiga Mas’uuliyadda Hubka; Duqooyda Magaalada Bellevue, Redmond; iyo in ka badan.

Catie Malik

Catie Malik

218 MAIN ST, PMB 751

KIRKLAND, WA 98033

(206) 349-1265

catiemalik@gmail.com

catiemalik.com

Education: Gonzaga University (Xisaabta) & University of Michigan (MBA)
Occupation: Hawlgab Aan Wakhti Buuxa Ahayn
Statement:

Hoggaamin la xaqiijiyay. Cod la aaminni karo. Diiradda saaraaya mustaqbalkeena.

Waxaan ku faraxsanahay inaan u adeego Yarrow Point—sida Madaxweynaha Degmada Biyaha ee Degmada King, Xubin ka tirsan Guddiga Biyaha Roobka, Xubinta Golaha, iyo Meeyar Pro Tem (Ku Meelgaar). Saddex sanno ka hor, waxaad iigu aaminteen inaad ii doorataan Golaha Magaalada, waxaana sharaf ii ahayd inaan idiin adeego.

Waxaan keenay hab-dhaqan ku saleysan xogta, caqliga guud oo ku wajahan dowladda hoose. Waxaan ku dadaallaa inaan dhegaysto marka hore, barto xaqiiqooyinka, oo aan ku dhaqmo daacadnimo iyo daah furnaan. Waxaan gaarnay horumar dhab ah, laakiin shaqo muhiim ah ayaa naga horreysa: soo celinta adeegga DOT ee Yarrow Point, iska caabinta xadgudubka xeerarka Gobolka, hagaajinta ammaanka taraafikada, iyo maaraynta maaliyadda magaalada si mas'uuliyad leh. Waxaan sii wadi doonaa inaan si adag ugu shaqeeyo magacaaga si aan u ilaaliyo waxa ka dhigaaya Yarrow Point mid wacan oo gaar ah—iyadoo aan u diyaarinayo mustaqbalka. Si wadajir ah, aan ku sii hayno Yarrow Point mid hore u sii socota.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka