King County logo
v1.0.0

Magaalada Kent

Golaha Jagada Lr. 6

Sharn Shoker

Sharn Shoker

404 3RD AVE S

KENT, WA 98032

(253) 326-9249

electsharn@gmail.com

www.electsharn.com

Education: Shahaadada Mastarka ee Daraasaadka Siyaasadda; B.A. (Shahaadada Jaamacadda) Sharciga, Dhaqaalaha & Siyaasadda Dadweynaha, University of Washington
Occupation: Agaasimaha Siyaasadda ee Degmada King, Urur Aan Faa'iido Doon Ahayn oo ku sugan Seattle
Statement:

Sida degane muddo dheer ku nool magaalada Kent, ballanqaadkaygu waa mid shakhsi ah oo qoto dheer. Waxaan dhigtay dugsiyada Kent oo hadda waxaan ku korinayaa wiilkayga bulshada aan ku soo barbaaray. Qoyskayga ayaa lahaa ganacsi maxalli ah in ka badan labaatan sano, taas oo i siisay faham toos ah oo ku saabsan cadaadiska dhaqaale ee qoysaska iyo ganacsiyada ay wajahayaan. Waxaan diyaar u ahay inaan kaalin ka qaato qaabaynta magaalada Kent oo kobcaysa, halkaas oo qof walba uu dareemi karo ammaan oo uu ku guuleysan karo.

Maadaama aan ahay Agaasimaha Siyaasadda ee Degmada King ee urur aan faa'iido doon ahayn oo ku yaal Seattle, waxaan ku qaatay xirfaddayda inaan u beddelo u doodista ficil—dhisidda iskaashiyo, helidda kheyraadka, iyo maaraynta miisaaniyadaha si loo sii wado barnaamijyada muhiimka ah. Waxaan la tacaalay caqabado adag si aan u hubiyo in adeegyada muhiimka ah ay sii socdaan. Ka qaybgalka guddiyada aan faa'iido doonka ahayn iyo aasaaska ee deegaanka ayaa i siiyay aragti dhow oo ku saabsan baahiyaha bulshadeenna iyo hoggaaminta wadajirka ah ee loo baahan yahay si loo daboolo.

Mudnaantaydu waxaa ka mid ah dhisidda xaafado iyo jardiinooyin ammaan ah, wax ka qabashada sababaha aasaasiga ah ee dambiyada iyo hoy la'aanta, taageeridda ganacsiyada maxalliga ah, iyo ballaarinta barnaamijyada qoyska ku saleysan ee bixiya helitaanka kheyraadka muhiimka ah. Si wadajir ah, waxaan u hubin karnaa in Kent ay sii ahaato magaalo waarta, oo firfircoon oo loogu talagalay jiilasha mustaqbalka.

Waxaa si sharaf leh u taageeray Xubnaha Golaha Kent Brenda Fincher, John Boyd, iyo Satwinder Kaur; Duqii hore ee Kent Suzette Cooke; Senatarka Karen Keiser; iyo hoggaamiyeyaal iyo ururo badan oo maxalli ah.

 



 

Andy Song

Andy Song

4118 S 224TH PL

KENT, WA 98032

(253) 970-3771

andysong544@gmail.com

andy4kent.com

Education:
Occupation:
Statement:
50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka