King County logo
v1.0.0

Magaalada Kenmore

Golaha Jagada Lr. 2

Tracy Banaszynski

Tracy Banaszynski

5863 NE 197TH ST

KENMORE, WA 98028

tracy@tracyforkenmore.com

www.tracyforkenmore.com

Education: Yale University, Ph.D. ee Cilmi-nafsiga; University of Wisconsin, B.A. (Shahaadada Jaamacadda) ee Cilmi-nafsiga iyo Cilmiga Bulshada
Occupation: Agaasimaha Wadajirka ah ee Fulinta, Ururka Aan Faa'iido Doon Ahayn ee Soo Celinta Salmon-ka; Guddoomiyaha, Guddiga Qorsheynta Kenmore
Statement:

Waxaan ku mahadsanahay oo sharaf ayay ii tahay in aan ku guuleystay doorashadii hordhaca ahayd ee Agoosto. Mahadsanid, Kenmore, kalsoonidaada iyo taageeradaada!

Adeeggayga bulshada wuxuu leeyahay xididdo qoto dheer. Aniga oo ah Guddoomiyaha Qorsheynta, waxaan ka caawiyay hagidda qaybaha ugu horreeya ee Horumarinta Dhaqaalaha iyo Ficilka Cimilada. Aniga oo ah hoggaamiye bulsho, waxaan habeeyay boqolaal mutadawiciin si loo soo celiyo jardiinooyinkeena quruxda badan. Aniga oo ah Xubintaada Golaha, si wadajir ah aynu u abuuri doonna bulsho soo dhoweyn leh oo la awoodi karo; mudnaanta siin doonna soo kabashada salmonka iyo ficilka cimilada; hubin doonna xannaaneyn masuul ah ee kheyraadkeenna maaliyadeed iyo dabiici; waxaana indhaha ku hayn doonna bani-aadannimadeenna wadaagga ah annagoo dhiseyna mustaqbal caddaalad iyo sinnaan ku dhisan oo uu qof walba ku hanaqaado. Waxaan sii wadi doonaa shaqo adag, dhageysi, hoggaan, iyo iska-abuurid Kenmore firfircoon adiga la jirka. Sharaf bay ii ahaan lahayd in aan kuu adeego. Si xushmad leh waxaan u codsanayaa codkaaga.


Taageerooyinka: Dimuqraadiyiinta Degmada King; Dab-damiyeyaasha Shoreline Local 1760; Hagaha Codbixiyeyaasha Horumarinta ee Fuse Washington; Wakiilka Gobolka Duerr; Xubnaha Golaha Kenmore Sasson, Culver, Srebnik, Loutsis; Guddoomiyaha Dab-damiska Adman; iyo in ka badan!
 

Joe Marshall

Joe Marshall

6210 NE 198TH STREET

KENMORE, WA 98028

(206) 793-2227

jhmarshall_7@msn.com

www.joe4Kenmore2025.com

Education: Ka Qalin Jebiyay Inglemoor; Shahaadada Jaamacadda University of Washington; M.F.A. Cornell University; J.D. University of Washington
Occupation: Qareen Difaaca Dadweynaha; Qareen 25 sanno; hantida ma guurtada, sharciga dowladda hoose.
Statement:

Waxaan ahay Dimuqraadi iyo ruux u dooda deegaanka oona laba jeer ka soo shaqeeyay Golaha Magaaladaada. Waxaan dhegaystaa oo u istaagaa adiga. Guulaha: ansixiyay 121 guri cusub oo raqiid ah lana awoodi karo, hoyga dumarka dhiban; xeerarka deegaanka; ku riixay joogtaynta maaliyadeed bartilmaameedyada ugu sareeya ee magaalada Kenmore, Bayaanka Pride, Hindisaha DEI, Tallaabooyinka Cimilada, jidad cusub, waddooyin baaskiil iyo jardiinooyin. Waxaan ku dhegaystay markii codbixinta Plymouth socotay oo waxaan la dagaallamay xeerka gobolka ee isku dayay inuu aamusiiyo codkaaga.


Waxaan ku soo barbaaray magaalada Kenmore oo qoyskayga halkan ku koriyay. Waxaan ilaalin doonaa deegaanka, abuuri doonaa meelaha bulshada, oo sii wadi doonaa u doodista barkad dadweyne. Sida difaaca dadweynaha, u adeeggida kuwa ugu nugul waxay igu dhiirigelisaa inaan hubiyo in magaalada Kenmore ay si caqli leh u korto oo ay qalbi leh u korto. Waxaan si qushuuc leh u weydiisanayaa codkaaga.


Taageerooyinka: Ku xigeenka Duqa Magaalada Kenmore O'Cain, Xubinta Golaha Loutsis, Duqii Hore Baker, Xubinta Guddiga STEP Caitlin Sullivan, Xubnaha Golaha Degmada King Girmay Zahilay iyo Rod Dembowski, Senatarka Dimuqraadiga ee Gobolka Valdez, Wakiilka Pollet.
 

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka