Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Magaalada Federal Way
Garsoore Maxkamadda Dowladda Hoose Jagada Lr. 1
Waxaan sharaf ii ah inaan u adeego sidii Garsoore Maxkamadda Dowladda Hoose ee Federal Way muddo ka badan saddex sanno. Waxaa iga go'nayd inaan ilaaliyo sharciga iyo inaan hubiyo in qof walba uu helo dhegaysi caddaalad ah oo aan eex lahayn. Waxaan aaminsanahay in caddaaladda si fiican loo fuliyo marka lagu maamulo daah-furnaan, ixtiraam, iyo u heelnaan bulsho. Waxaan ku dadaalaa inaan hubiyo in dhammaan dhinacyadu la maqlo iyo in mabaadi'da hannaanka saxda ah la ilaaliyo.
Asalkayga kala duwan sida Ku-xigeenkii hore ee Qareenka Sare ee Xeer Ilaalinta Degmada King, Garsoore Maxkamad Militari oo Ciidanka Mareykanka ah, iyo La-taliyaha Difaaca Goboleedka ayaa iga dhigaaya mid si gaar ah ugu qalma in aan u adeego sida garsoore maxkamadda dowladda hoose ahaan.
Anigoo ah garsooraha hadda xilka haya, waxaan codsanayaa taageeradaada si aan u sii wado ilaalinta qiyaamkaas. Waxaan ku heelnaan doonaa inaan u adeego bulshadeenna si daacadnimo iyo dhexdhexaadnimo leh.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications