King County logo
v1.0.0

Magaalada Federal Way

Golaha Jagada Lr. 2

Martin A. Moore

Martin A. Moore

1600 SW DASH POINT RD

FEDERAL WAY, WA 98023

(253) 653-3825

electMartin@Outlook.com

www.electMartin.com

Education: Shahaadada Jaamacadda, Saint Martin’s University; Shahaado Sare ee Hoggaaminta Dowladda Hoose, AWC; Ka Qalin Jebiyay, Dugsiga Sare ee Decatur
Occupation: Macallin Marti oo Hadda ah, Degmada Dugsiga FW; Xubin hore ee Golaha Magaalada (2013-2021)
Statement:

Sida deganeyaasha badan ee Federal Way, safarkayga qaxootinimo wuxuu ku salaysan yahay adkeysi iyo adeeg. Waxa la isoo korsaday anoo agoon ah oo ka yimid Bulgaria anigoo siddeed jir ah, waxaan ku koray Federal Way waxaanan ka qalin jebiyay Dugsiga Sare ee Decatur. Kadib markii aan ka qalin jebiyay jaamacadda, waxaan u adeegay bulshadeenna sida xubin ka tirsan AmeriCorps ahaan, Kormeeraha Jardiinooyinka, iyo Xubin Golaha Magaalada laga soo bilaabo 2013–2021.

Markaan ka tirsanaa Golaha, waxaan ku daray saraakiil booliis, abuuray shaqooyin, helay caawinaad kirada, oo hirgeliyay daah furnaanta miisaaniyadda. Sida Xubinta Golahaaga xiga ahaan, waxaan xoojin doonaa amniga dadweynaha, taageeri doonaa siyaasadaha shaqaaleynta maxalliga ah, maalgelin doonaa barnaamijyada dhallinyarada, horumarin doonaa adeegyada waayeelka, oo hubin doonaa daah furnaanta dowladda oo weyn. Iyada oo tareenka Sound Transit uu imanaayo, waxaan arkaa mustaqbal oo leh fursado buuxa—waxaana diyaar u ahay inaan u dagaalamo Federal Way halkaas oo qof walba uu fursad u leeyahay inuu ku horumaro.

Waxaa si sharaf leh ii taageeray Saraakiishaada Booliiska FW, dab-damiyeyaasha, Xildhibaan Adam Smith, Wakiilka Kristine Reeves, Duqa Magaalada Ferrell, iyo kuwo kale oo badan. Waxaan rajeynayaa inaan kasbado codkaaga.

Nathan J Orth

Nathan J Orth

2505 S 286TH ST

FEDERAL WAY, WA 98003

(206) 681-6312

north00@gmail.com

nathanjorth.com

Education: Bellevue College (AA ee Maamulka Ganacsiga), Western Governors University (Ay U Socoto, BS [Shahaadada Jaamacadda] ee Injineerinka Softiweerka)
Occupation: Hawlgalka iyo Maamulka ee Ganacsiga Oonleenka (eCommerce)
Statement:

Waxaan ahay Khibradle Maareeyaha Hawlaha oo u tartamaya xafiis si aan u dhiso Federal Way adag, oo si aad isugu xiran iyada oo loo marayo fursad dhab ah. Si wadajir ah waxaan qaadi karnaa tallaabo si aan natiijooyin macno leh ugu soo saarno bulshadeena.

Mudnaantayda ugu weyn waa in aan abuuro waddooyin shaqooyin mushahar fiican, gaar ahaan kuwa teknolojiyada iyo xirfadaha farsamada si loo xoojiyo qoysaska iyo bulshadeena. Tani waxay ku lug yeelan doontaa helitaanka siyaabo lagu soo jiito warshado cusub iyo maalgelinta deganeyaasheena iyadoo carruurteena loo diyaarinayo xirfadaha mustaqbalka iyo bixinta tababar dib-u-habeyn loogu talagalay dadka waaweyn ee diyaar u ah fursado cusub. Haddii aan wada shaqeyno waxaan abuuri karnaa dhaqaale uu ka faa’iidaysto qof walba, yareeya dambiyada, oo hubiya in degane kasta uu ku horumari karo.

Iyadoo taageeradaada ila socoto, waxaa iga go'an inaan magaalada Federal Way keeno koboc waara oo loo wada dhan yahay, taasoo ka dhigaysa meel aan dhammaanteen ku helno fursadaha aan u baahanahay si aan ugu guuleysano.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka