King County logo
v1.0.0

Magaalada Covington

Golaha Jagada Lr. 6

Elizabeth Porter

Elizabeth Porter

325 WASHINGTON AVE S #165

KENT, WA 98032

voteelizabethporter@outlook.com

Education: Shahaadada Jaamacadda - Maaliyadda, Western Washington University; Shahaadada Maareynta Mashruuca - GRC; Shahaadada Sare ee Hoggaaminta Dowladda Hoose, AWC.
Occupation: Shaqo Xirfadeed ku saabsan Maamulka & Hawlaha Tafaariiqda. Hadda ka shaqeeya Xarumaha/Dhismaha
Statement:

Magacaygu waa Elizabeth (Beth) Porter.  Waxaan deganaa magaalada Covington 20 sanno, waxaa sharaf ii ah inaan sii wado u adeeggida xilliga labaad ee Xubinta Golaha, Jagada #6. 

Iyadoo la tixgelinayo jawaab celinta dadweynaha, waxaan sii wadi doonaa inaan mudnaanta siiyo ilaalinta goobaha dabiiciga ah, xalalka taraafikada iyo amniga, iyo abuurista bulshadeenna firfircoon. Waxaan had iyo jeer u ololayn doonaa inaan siiyo deganeyaasha magaalada Covington awoodda ansixinta ugu dambeysa (iyadoo la adeegsanayo warqadda codbixinta).  Waxaan matali doonaa magaalada anaga oo dhex marayna xaaladaha dhaqaale ee aan la hubin, arrimaha goboleedka oo ay ku jiraan kobaca, iyo awaamiirta gobolka iyo federaalka.

Mabaadii’deyda hagaya waa sahlan yihiin: Matala shacabka deegaanka. Iskaashi la sameynta golaha iyo shaqaalaha.  dhiirigelinta ka qayb galka bulshada.  Waxaan aaminsanahay in la helo isku dheelitirnaan, in la yeesho is ixtiraam xitaa marka khilaaf jiro, iyo inay ila soo xiriiri karaan dadweynaha iyo ganacsiyada magaalada Covington. Waxaan sidoo kale aan ka cabsanaynin inaan mararka qaarkood su'aal ka keeno sida aan wax u qabanno si aan u hubinno inay weli wax tar leeyihiin, Waxaan si xushmad leh ku weydiisanayaa codkaaga. Si wadajir... Waxaan nahay Covington!     

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka