King County logo
v1.0.0

Magaalada Carnation

Golaha Jagada Lr. 4

Max Voelker

Max Voelker

PO BOX 863

CARNATION, WA 98014

max.voelker.carnation@gmail.com

Education: Shahaadada Jaamacadda ee Cilmiga Falsafadda, Eastern IL University
Occupation: Maareeyaha Sare ee Barnaamijka
Statement:

Waxaan u tartamayaa Golaha Magaalada si aan u ilaaliyo waxa ka dhigaya Carnation mid gaar ah—bilicdeena dabiiciga ah, farshaxanka iyo muusikada maxalliga ah ee kobcaya, ruuxa ka-mid-ahaanshaha iyo deris-wanaagga ee na qeexa.

In ka badan toban sano oo khibrad ah oo ku saabsan hawlgalada iyo maaraynta dhacdooyinka, waxaan keeni doonaa xirfadaha lagu hagayo kobaca waara, ula kac ah iyo diyaarinta caqabadaha sida khatarta Tolt Dam. Waxaan u baahanahay qorshe degdeg ah oo cad iyo isku-duwid xooggan si loo hubiyo in qof walba uu ammaan ku sugnaado.

Magaalada Carnation way koraysaa, laakiin haddii aanan maalgashi ku samayn waddooyinka, dugsiyada, iyo ganacsiga maxalliga ah, waxaan halis ugu jirnaa inaan luminno soo jiidashada iyo nolol wanaagga ka dhigaya magaaladaheena mid gaar ah. Waxaan u ololeyn doonaa horumarinta mas'uuliyadda leh, taageerada ganacsiyada maxalliga ah, iyo siyaasadaha ilaalinaya aqoonsigeenna miyiga, anigoo adeegsanaya aqoontayda farsamo si aan u hubiyo mustaqbal ammaan ah oo si wanaagsan loo qorsheeyay. Waxaan ku faanayaa inaan sheego in taageeradayda jagadaan ay ku jiraan Morgan Henley iyo Xubinta Golaha Jessica Merizan. Si wadajir af, waxaan u qaadi karnaa Carnation heerka ugu sarreeya.

Rohana Joshi

Rohana Joshi

33402 NE 43RD PL

CARNATION, WA 98014

(206) 962-1106

rohana@electrohana.org

electrohana.org

Education: University of Washington: BA (Shahaadada Jaamacadda) Dhaqaalaha, BA (Shahaadada Jaamacadda) Siyaasadda Dadweynaha, Taqasus Yar Bioethics (2027); Riverview Alumni; Shahaadada Paralegal (Sharci Yaqaan)
Occupation: Guddiga Shabakadda Dhallinyarada; PCO ee Magaalada Carnation
Statement:

Anigoo ka soo bilaabay inaan wax ka barto Degmada Dugsiga Riverview una matala Carnation sidii Xubin Guddiga Empower Youth Network, waxaan ahay miro ka dhashay waxa Carnation bixiso. Anigoo ah degane muddo dheer oo Carnation ah, adeegge-yaqaan dadweyne, iyo u-doodde, sannado ayaan ku bixiyay isku wada-keenidda dadka si loo wajahdo caqabadaha dhabta ah iyo taageeridda baahiyaha dhallinyarada.

Gudaha Golaha, waxaan u dagaallami doonaa horumar fikir-leh oo ilaaliya soo-jiidashada miyigeenna, anagoo maalgelinayna daad-gureynta biyo-xireenka (dam evacuation) iyo badbaadada taraafikada, adeegyo tamar aasaasi ah oo lagu kalsoonaan karo (utilities), iyo hubinta in waayeelka, shaqaalaha, iyo qoysaska da’da yar ay helaan guryo la awoodi karo. Wadajir, waxa aynu dhisi karnaa mustaqbal ay Carnation sii ahaan doonto meel dadka ku faanaan inay guri, ugu yeeraan, meel ay ku dhisi karaan nolol. Sharaf bay ii noqon lahayd inaan kasbado codkaaga.

Taageerooyinka: Xubnaha Golaha Degmada Perry, Balducci, Zahilay; Duqa Magaalada Carnation Hawkins, Agaasimeyaasha Guddiga Dugsiga ee Riverview Edwards, Oviatt; Senatarrada Gobolka Dhingra, Valdez; Wakiilada Gobolka Callan, Hall, Salahuddin; Xubinta Golaha Nelson; Hoggaamiyeyaasha Bulshada Tara Bergman, Laura Smith, iyo in ka badan!

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka