Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Magaalada Burien
Golaha Jagada Lr. 3
Burien waa meesha aniga iyo xaaskeyga ku korinayno ilmohayaga laba sanno jir ah, waanan jeclaanay. Waxaan rabaa waxa ugu wanaagsan qoysaskeena: waxaan u baahanahay guryo la awoodi karo oo ka badan, waddooyin qoysaska u ammaan ah, iyo dowlad hoose oo inoo shaqeysa. Aniga oo la jira kuwo badan, waxaan u dagaallamay—oo ku guuleystay—kordhin xooggan oo mushaharka ugu yar ah, iyadoo dadka ay u codeeyeen 57% ilaa 42%, balse golahayagu waxa uu khasaarinayaa lacagta canshuur-bixiyeyaasha isagoo maxkamad ku diidan. Taasi waa khalad. Magaaladeenu waa inay kala shaqeysaa Degmada King arrinta hoy-la’aanta, halkii ay ka diidi lahayd $1 million oo maalgelin muhiim ah iyada oo aan sharaxaad la bixin.
Waxaan mudan nahay wax ka wanaagsan. Waxaan u taaganahay xuquuqda shaqaalaha, xuquuqda kiraystayaasha, iyo caddaaladda deegaanka. Waxaa ii taageeray Dimuqraadiyiinta Degmada King, Dimuqraadiyiinta Degmada 33aad & 34aad, Teamsters 117, Sanduuqa Waxqabadka Isbahaysiga Guriyeynta WA, Xildhibaan Adam Smith, Xubnaha Golaha Degmada King Teresa Mosqueda iyo Girmay Zahilay, Senatarrada Tina Orwall & Emily Alvarado, Guddoomiyaha Dhulalka ee Gobolka Dave Upthegrove, iyo qaar kaloo badan. Nagu soo biir!
Waxaan u tartamayaa Golaha Magaalada Burien si aan hoggaanka magaaladeenna ugu keeno isla-xisaabtan, masuuliyad, iyo garasho caadi ah. Aniga oo ah kalkaaliye caafimaad diiwaan-gashan iyo deggane Burien muddo 16 sano ah, waxaan arkay saameynta qalbi-jabinta leh ee balwadda firfircoon ku yeelatay bulshadeenna. Barnaamijyo sida yareynta waxyeellada iyo guryo taageero leh ayaa noqday astaan waxa dhaca marka la dayaco masuuliyadda iyo isla-xisaabtanka. Waa waqtigii aan taas beddeli lahayn.
Anigoo ah Guddoomiyaha Guddiga Adeegyada Aadanaha, waxaan si toos ah uga shaqeeyay wax ka qabashada caqabadahan, waxaanan garwaaqsaday sida ay lama huraan u tahay in la maalgeliyo badbaado dadweyne oo wax-ku-ool ah, guryo la awoodi karo, iyo adeegyada bulshada. Tan waxa aynu ku gaadhi karnaa naxariis iyo xalal wax-ku-ool ah. Waxa aynu u baahan nahay in aynu korinno kheyraadka magaaladeenna annagoo soo jiidanayna ganacsiyo oo dhisayna dhaqaalaha maxalliga ah.
Burien waxay u qalantaa hoggaan diiradda saaraya badbaadada dadweynaha, la-awoodi-karaanta, iyo korriin waara. Waxaa i taageeray Ururka Saraakiisha Booliiska ee Degmada King. Sharaf bay ii noqon lahayd inaan kasbado taageeradaada iyo codkaaga.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications