King County logo
v1.0.0

Magaalada Bothell

Golaha Jagada Lr. 5

Brittany Miles

Brittany Miles

10500 BEARDSLEE BLVD #3

BOTHELL, WA 98041

(425) 780-5249

miles4council@gmail.com

www.brittanyforbothell.com/

Education: Shahaadada Jaamacadda, Williams College
Occupation: Mulkiilaha Badeecada IT
Statement:

Magaalada Bothell waxay u baahan tahay hoggaamiyeyaal dhegaysta. Himilada Brittany waxaa ka mid ah dhisidda magaalo lagu noolaan karo oo loo dhan yahay dhammaan—halkaas oo qoysaska ay ku koraan, baahiyaha caafimaadka maskaxda la daboolo, oo dhallinyarada ay helaan guryo iyo fursado. Waxay taageertaa horumarinta fursadaha kala duwan ee guryaha si loo hubiyo in magaalada Bothell ay noqoto meel qof walba uu ku noolaan karo.

Waxay tahay ku xigeenka hore ee Ururka Haweenka Codbixiyeyaasha (League of Women Voters) ee Seattle-Degmada King iyo musharax sannadka 2023 ee abaalmarinta adeegyada aadanaha ee North Urban Human Services Alliance (NUHSA) (Isbahaysiga Adeegyada Aadanaha ee Waqooyiga Magaalada). Khibraddeeda adeegga dadweynaha waxaa ka mid ah ka mid noqoshada guddiga Hey’adda Jawaabta Dhibaatada Goboleedka (RCR) iyo ka qayb qaadashada Guddiga Hoosaadka Teknolojiyadda ee Golaha Sharci Dejinta ee Gobolka Washington ee khadka tooska ah ee ka hortagga ismiidaaminta 988 (HB1477). Waxay sidoo kale la shaqeynaysaa The Seattle Times si ay u abuurto madal caafimaadka maskaxda, oo la qorsheeyay in la bilaabo dayrta 2025.

Brittany waxaa taageeray Dimuqraadiyiinta Degmada King, Dimuqraadiyiinta Degmada Sharci dejinta 1aad, iyo Xubnaha Golaha Magaalada Bothell Alderks iyo Dodd.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka