Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Magaalada Black Diamond
Golaha Jagada Lr. 5
Horraantii sannadkan, waxaan helay fursad aan ku noqdo xubinta Golaha Magaalada Black Diamond. Waxaan halkan ku korinayaa carruurtayda yaryar, waxaan la kulmayaa deriska dhacdooyinka deegaanka, waxaanan dhegaysanaya dadka ku nool oo ka shaqeeya magaalada. Koritaanka aan ku soo qaatay tuulo yar oo miyiga ah iyo markii dambe oo aan ku noolaa xaafado magaalo oo firfircoon ayaa i baray sida loo ilaaliyo waxa ka dhigaaya meel gaar ah iyadoo la qaadanayo fursadaha ka imaanaya kobaca fikirka leh.
Bilicda dabiiciga ah ee magaalada Black Diamond, taariikhdeeda, iyo xiriirkeeda adag ayaa ka dhigaaya mid runtii gaar ah. Waxaan ilaalin karnaa tayadaas annagoo dhiseyna mustaqbal u adeegga deganeyaasha, taageera ganacsiyada maxalliga ah, soo dhawweynaya booqdeyaasha, oo casuumaya deris cusub oo doonaya inay noloshooda halkan ku sameeyaan.
Mudnaantaydu waa ammaanka dadweynaha, kaabayaasha lagu kalsoonaan karo, iyo abuurista jardiinooyin, waddooyinka socodka, iyo meelaha la isugu yimaada ee xoojiya xiriirka, dhiirrigeliya sharafta, oo kobciya nolol maalmeedka dhammaan kuwa magaalada Black Diamond u yeedha guri. Ku salaysan dhaqan, ku koraya si taxadar leh.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications