Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Magaalada Black Diamond
Golaha Jagada Lr. 4
Iyadoo magaaladeena ay korayso, waxaan taageeri doonaa oo keliya horumarinta dheellitiran oo mas'uul ah. Magaalada ayaa u oggolaatay horumariyeyaasha inay ka faa'iidaystaan godad sharciyeed waxayna ku guuldareysteen inay fuliyaan heshiisyadii la dejiyay. Tani waxay sababtay dib u dhac ku yimid mashaariicda waddooyinka, dukaamada iyo jardiinooyinka iyo hoos u dhac ku yimid adeegyada dadweynaha sida dugsiyada, dab-damiska iyo EMS.
Waxaan ka soo horjeedaa beddelidda aagagga dhulka si loo oggolaado horumar u dhigma afar-laabinta cabbirka Ten Trails ee hadda jira iyada oo aan shuruudo ilaalin ah lagu xirin. Taasi waxay caddaalad-darro ku noqon lahayd dadka deggan Ten Trails, waxna u dhimmaysaa magaalada oo dhan. Aan midowno annagoo ka duulayna Tayada Nolosha oo ka wanaagsan Qof Walba ee Black Diamond.
Hoggaamiyeyaasha magaalada waa inay noqdaan kuwa wax-ku-ool ah oo diiradda saara mudnaanta u muhiimka ah degganeyaasha. Degganayaashu waxay wajahayaan culays dhaqaale; ma aha inaan kordhinno canshuuraha iyo kharashaadka adeegyada si loo kabbo horumarka. Aniga oo ah Xubin Golihiinna, waxaan diiradda saari doonaa adeegyada sida dab-damiska iyo EMS, badbaadada, wadooyinka, baarkyada, iyo adeegyada tamarta (utilities). Aan soo celinno edbinta maaliyadeed, mudnaanta siino adeegyada aasaasiga ah, si fikir lehna u qorsheyno mustaqbalkeenna.
Markii aan u guuray magaalada Black Diamond in ka badan 30 sanno ka hor, waxaan ogaa inaan ugu dambeyntii helay "Magaaladayda Hooyo". Waxaan koriyey qoyskeyga, waxaan lahaa/maamulay ganacsi oo waxaan ka shaqeeyey halkan iyo "Ma ogtahay? Waxaan jeclahay magaaladaan!”
Waxaan u soo shaqeeyay Guddoomiyaha Maalmaha Shaqaalaha, 1999-2013; Agaasime ka ahaa Rugta Ganacsiga MVBD 2001-2008; aasaasay oo maamulay Maalinta Macdanta, 2003-2006; ka mid ahaa Guddiga Qorsheynta, 2003-2007; tifaftiraha Ururka Taariikhiga ah 2012 ilaa hadda; Golaha, 2008-2012, & 2021-hadda oo aan abuuray ololaha BDKind oo aan ku kasbaday Shahaadada AWC ee Hoggaaminta Dowladaha Hoose. Oo ma ogtahay? Weli waan jeclahay magaaladaan!
Waxaan ka shaqeeyay ilaalinta dabeecaddeeda anigoo hubinaaya mustaqbal barwaaqo leh. Waxaan jeclahay inaan dadka isu keeno si ay uga shaqeeyaan wanaagga dhammaan. Anigu waxaan ahay taageere, waxaanan taageerayaa magaalada Black Diamond anigoo sii wada shaqadayda si aan u ilaalino dareenka "Magaaladayda Hooyo" maxaa yeelay waxaan jeclahay magaaladaan!
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications