King County logo
v1.0.0

Magaalada Bellevue

Golaha Jagada Lr. 1

Paul Clark

Paul Clark

1100 BELLEVUE WAY NE, SUITE 8A #482

BELLEVUE, WA 98004

(425) 247-0824

paul@clarkforbellevue.com

www.clarkforbellevue.com

Education: MSEE (Shahaadada Mastarka), Injineernimada Korontada, University of Washington; Bellevue Essentials iyo Akadeemiyada Bulshada Booliiska, Magaalada Bellevue
Occupation: Mulkiile, Shaybaarka Factoria; Macallin Xirfadyahan, Qoraa, Injineerka Isgaarsiinta Fiilo La'aanta (Wireless Communications Engineer)
Statement:

Bellevue waxay ahayd gurigayga in ka badan 25 sanno, waxaana doonayaa inaan hubiyo inay ammaan ahaato, si mas'uuliyad leh u korto, oo ay u shaqeyso qof walba oo halkan ku nool. Mudnaantayda waxaa ka mid ah hagaajinta farqiga shaqaalaha booliiska, yareynta ciriiriga taraafikada , ballaarinta nidaamka jardiinooyinkeena (gaar ahaan meelaha aan adeegyada wanaagsan helin) iyo hagidda horumarinta cusub ee aagagga koritaanka sida bartamaha magaalada, maaha xaafadaha guryaha qoysaska keliya.

Inaan leeyahay ganacsi yar oo teknolojiyadda ah iyo inaan ku dhawwaad toban sanno ka shaqeeyay Guddiga Adeegyada Bulshada iyo Adeegga Rayidka ayaa i diyaariyay inaan keeno natiijooyin. Waxaan keeni doonaa xalal wax ku ool ah oo raacaya mudnaanta deganeyaasha magaalada Bellevue ugu horreyn iyo ugu dambeyn.

Waxaan ka shaqeyn doonaa inaan hubiyo in Bellevue ay sii ahaato hoggaamiye caalami ah oo dhinaca hal-abuurka iyo fursadaha dhaqaale, iyadoo la hubinayo in kobaca uu noqdo mid feker leh, waara, oo ay taageerto kaabayaasha ay u baahan tahay. Waxaa iga go'an in aan kordhiyo daah-furnaanta go'aamada magaalada anigoo dhegaysanaya, ka qaybgalaya, oo hubinaya in deganeyaashu ay cod ku leeyihiin qaabaynta mustaqbalkeenna.

Waxaan ku faanayaa in mar kale taageero ay siiyeen The Seattle Times, Ethnic Chamber Coalition (Xarunta Isbahaysiga Qowmiyadaha), Xubnaha Golaha Conrad Lee iyo Jared Nieuwenhuis, Xubinta Golaha Degmada King Reagan Dunn, iyo ururo badan oo kale iyo hoggaamiyeyaal bulshada. Waxaan jeclaan lahaa inaan kasbado codkaaga si aan u sii wado horumarka Bellevue, anigoo aan lumin waxa ka dhigaaya mid gaar ah.
 

Vishal Bhargava

Vishal Bhargava

PO BOX 3866

BELLEVUE, WA 98009

(949) 874-2907

vishalforbellevue@outlook.com

vishalforbellevue.com

Education: Shahaadada Jaamacadda ee Dhismaha; Shahaadada Mastarka ee Qorsheynta Magaalada iyo Gobolka; Shahaadada Mastarka ka socota UCLA.
Occupation: Xubinta Golaha Magaalada Bellevue, Aasaase Wadaag Caafimaadka Maskaxda ee Hey'ad Aan Faa'iido Doon Ahayn; Guddoomiyaha Qorsheynta; Agaasime, Amazon.
Statement:

Aniga oo ah kan keliya ee ka socda Xisbiga Dimuqraadiga tartankan, mudnaantaydu waa cadahay: in la ilaaliyo Bellevue oo ammaan ah, oo loo wada dhan yahay, oo la awoodi karo. Qoyskaygu waxay magaalada Bellevue ka dhigteen gurigeenna 12 sanno ka hor sababtoo ah tayada nolosha oo aad u wanaagsan, dugsiyada dadweynaha oo heer sare ah, jardiinooyin qurux badan, iyo xaafado soo dhawweyn leh. Waxaan u tartamayaa in aan kursigayga ku sii haysto Golaha Magaalada si aan u xaqiijiyo in Bellevue ay sii ahaato magaalo horumarsan, badqab leh, oo loo wada dhan yahay.


Anigoo leh khibrad ku saabsan qorsheynta magaalada, waayo-aragnimada hoggaamineed ee teknolojiyada, iyo shan sanno oo aan ku jiray Guddiga Qorsheynta Bellevue, waxaan keenayaa khibrad wax ku ool ah iyo maskax iskaashi. Sida magaalada Bellevue ay u sii korayso, waxaan diiradda saari doonaa bixinta xalal wax ku ool ah oo lagu xallinayo caqabadaha maalinlaha ah: yaraynta ciriiriga gaadiidka, ballaarinta helitaanka guryaha la awoodi karo, iyo wax ka qabashada sicir-bararka nolosha.


Badqabka dadweynaha iyo wanaagga bulshada ayaa ah mudnaantayda ugu sareeya. Waxaan si xoog leh u taageeraa booliiska iyo kuwa ugu horreeya ee ka jawaaba xaaladaha degdegga ah iyo ballaarinta adeegyada caafimaadka maskaxda iyo jawaabaha xaaladaha degdegga ah. Waxaa iga go'an in aan dhiso dhaqaale adag oo maxalli ah oo faa'iido u leh qof walba. Sharaf ayay ii ahaan lahayd inaan kasbado codkaaga.


Waxaa taageeray: Duqa Magaalada Lynne Robinson iyo Golaha Magaalada Bellevue oo dhan, Xildhibaan Adam Smith, Wakiillada Gobolka Zahn, Slatter, iyo Salahuddin, Xubinta Golaha KC Claudia Balducci, Duqeyda Magaalada oo badan ee Eastside, Dab-damiyeyaasha Bellevue, Ururka Haweenka Dimuqraadiga ee KC, Dimuqraadiyiinta KC, Isbahaysiga Ganacsiga Eastside, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada badan.

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka