Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Magaalada Auburn
Golaha Jagada Lr. 2
No statement submitted
Qof kastaa wuxu u qalmaa inuu dareemo ammaan, isla markaana helo fursad caddaalad ah oo uu ku helo Riyada Ameerika magaaladiisa hooyo. Hase yeeshee, sicir-bararka, mushaharooyinka joogsaday, iyo siyaasad kala-qaybisa ayaa hor istaaga horumarka dhabta ah ee aan u baahanahay.
Aniga oo ah xubin golihiina, waxaan u dagaalami doonaa in qoysaska shaqeeya la gaarsiiyo gargaar macno leh – laga bilaabo kordhinta daryeelka carruurta ee la awoodi karo ilaa ka dhigista derisyadeenna kuwo ammaan badan. Waxaan hubin doonaa in baahiyihiina lagu qiimeeyo Aqalka Magaalada, mudnaantiinnuna hagto shaqadeena halkan Auburn. Qofna looma daynayo inuu keligiis la halgamo. Waxaan u doodi doonaa in la dhiso guryo taageero leh oo loogu talagalay dadka hoy-la’aanta ah, in la wanaajiyo helitaanka daaweynta dadka ka baxaya balwadda, iyo in la suurtageliyo tababarro loogu talagalay shaqaalaha dib u bilaabaya.
Wadajir ayaan nolosha u beddeli karnaa, waxaanan dhisi karnaa bulsho uu qof walba ku barwaaqoobaan. Waxaa taageeray: Dimuqraadiyiinta Degmada King; Dimuqraadiyiinta Degmooyinka Sharci Dejinta 30aad, 31aad, iyo 47aad; Ururka Shaqaalaha 117; UFCW 3000; ATU Ururka Shaqaalaha 587; hoggaamiyeyaasha deegaanka iyo goboleedka.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications