Candidates
Candidates
Doorashada Guud 2025
Dekedda Seattle
Guddoomiyaha Jagada Lr. 4
Toshiko Grace Hasegawa
401 2ND AVE STE #303
SEATTLE, WA 98104
(206) 992-7156
Waxaan ka faa'iidaystay lix sanno oo aan madax ka ahaa wakaalad ka tirsan Maamulka Inslee si aan u horumariyo abuurista shaqo iyo heer sare oo hawlgal ah. In kasta oo dowladaha gobolka oo dhan ay la kulmaan yaraanta miisaaniyadda, Dekedda Seattle waxay ku jirtaa xaalad dhaqaale oo aad u wanaagsan. Waxaan fulineynaa $5,300,000,000 oo mashaariic raasumaal ah, abuurista shaqooyin qoyska u fiican, iyo qandaraasyo ganacsiyada maxalliga ah. Hoggaankayga hoostiisa, waxaan ballaarinay helitaanka xirfadaha ee bulshooyinka aan si wanaagsan loo adeegsan iyada oo loo marayo heshiisyo lala galay shaqaalaha, iskaashiyo rasmi ah oo lala yeeshay saddex qabiil, maalgeshiyo waxbarasho, tababarro, iyo hindisaha shaqooyinka cagaaran. Waxaan hagaajinnay hannaanka iyo siyaasadaha qandaraasyada si aan u kordhino kharashka la geliyo ganacsiyada ay leeyihiin dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka.
Sida hooyada, waxaan rabaa in dhammaan carruurteennu ay dhaxlaan mustaqbal ifaya oo ka sii wanaagsan. Waa inaan hadda tallaabo qaadnaa. Waxaan soo bandhigay Teal New Deal, qorshahayga ah in aan ka dhigo mid aan kaarboon lahayn badda (buluug), iyo in aan dhaqaajiyo dhulalka warshadaha si loo soo saaro, loo keydiyo, loona qaado tamarta nadiifka ah (cagaar). Isku-duwiddan waxay kor u qaadaysaa waaraanshaha adduunka oo dhan, iyadoo abuuraysa shaqooyin jiilba jiil gobol ahaan kontonka sanno ee soo socda. Waxaan sidoo kale nadiifinnaa goobaha wasakhaysan, waxaanan furnay Beerta Dadka ee Webiga Duwamish halkaas oo salmon-yar ay dib ugu soo noqdeen!
Garoonka diyaaradaha ee SEA wuxuu daboolaa baahiyaha safarka caalamiga ah ee gobolka oo dhan. Si aan u soo jiito oo aan u sii hayo shaqaalaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha, waxaan taageeray in la bixiyo tigidhada orca bilaash ah, alaabada nadaafadda bilaash ah, iyo barnaamij hagaha daryeelka carruurta. Waxaan hoggaaminayaa hirgelinta xarun daryeel carruur oo dhismo ah si aan u daboolo baahida dadweynaha ee fursado badan.
Bulshooyinka garoonka diyaaradaha hadda waxay leeyihiin kalsooni in North SeaTac Park la ilaaliyo, iyo sidoo kale $14,000,000 oo fursado deeq ah oo ka socda dekedda. Waxaan rabaa ka-qaybgal xooggan oo ka dhaca South King oo ku saabsan Qorshaha Guud ee Garoonka Diyaaradaha ee Waara.
Waxaan la kulmi doonaa hanjabaadaha federaalka ee dhaqaalahayaga anigoo abuuraya fursado dadka ay ku horumari karaan. Aynu hubinno in bulshooyinka oo dhan ee degmada ay ka faa’iideystaan kobaca dhaqaale ee $929,000,000 ee ka imaanaya FIFA 2026.
Habkayga wuxuu shaqeeyaa: dhaqaalaha, deegaanka, iyo sinnaanta waxay horumaraan si wadajir ah. Waa saddexda gunaanad ee hoose ee aan leenahay. Waxaa sharaf ii ah inaan idin matalo.
La Xiriir Waaxda Doorashooyinka
Iimeel: elections@kingcounty.gov
Taleefan: 206-296-VOTE (8683)
TTY: Relay 711
Sign up for email or text notifications