King County logo
v1.0.0

Dekedda Seattle

Guddoomiyaha Jagada Lr. 1

Ryan Calkins

Ryan Calkins

401 2ND AVE S #303

SEATTLE, WA 98104

(206) 682-7328

ryan@ryanforport.com

www.ryanforport.com

Education: M.A. (Shahaadada Mastarka) Xiriirka Caalamiga ah, Yale University; B.A. (Shahaadada Jaamacadda), Willamette University
Occupation: La-taliyaha siyaasadda tamarta, mulkiilaha ganacsi yar oo hore, xirfadle horumarinta dhaqaalaha
Statement:

Anigoo ah Guddoomiyaha Dekedda, maalin kasta waxaan ka shaqeeyaa in Dekedda Seattle ay noqoto dekedda ugu cagaaran Waqooyiga Ameerika, in la abuurro shaqooyin mushahar-ku-filaan ah oo qoysaska maxalliga ah, isla markaana la hubiyo khibradda ugu wanaagsan ee rakaabka iyo lamaane-yaasha ku sugan SEA iyo dekedda.

Waxaan u tartamayaa dib-u-doorasho si aan dadaalladan u sii wado oo aan u dhiso Deked la jaan qaadda mudnaanta iyo qiyamka mustaqbal ee bulshadeenna.

Dekeddeennu waa matoorka dhaqaalaha ee gobolka, waxayna taageertaa shaqooyin badan oo aan la koobi karin oo kobciya koritaanka dhaqaale. Taasi awgeed, waxaan maalgeliyey horumarinta shaqaalaha, waxaan taageeray ganacsiyada maxalliga ah, waxaanan hubiyey in faa’iidooyinka hawlaha dekeddu si caddaalad ah loo wadaago. Taageeradiinna, waxaan sii hormarin doonaa abuurista shaqooyin tayo-sare leh oo qoysaska sii haya.

Waxa innagu waajib ah in aynu noqono hoggaamiye deegaan. Taas darteed, waxaan hormuud ka noqday u-gudbidda maraakiib iyo qalab aan qiiq lahayn, hagaajinta waxtarka, iyo la shaqeynta shirkadaha diyaaradaha, shixnad-daabulaayaasha, iyo mulkiileyaasha gaadiidka si ay ugu gudbaan tamar waara. Waxaan sii wadi doonaa yareynta kaarboonka hawlgalladeenna, nadiifinta wasakhowga taariikhiga ah, iyo dhimista wasakhowga hawada iyo biyaha ee maxalliga ah.

Waxaan ku dadaaleynaa in SEA yeelato garoon heer-caalami ah oo u qalma malaayiinta rakaab iyo kumannaanka ganacsiyo yaryar ee halkaas ku xirma. Gudaha Dekedda, waxaan horumariyay hal-abuurnimo dedejisa habraacyada laga bilaabo markaad timaaddo garoonka, waxaanan maalgeliyey hagaajinta kaabayaasha. Aan sii wadno ka dhigidda Dakaddeena midka ugu sarreeya Xeebta Galbeed, anagoo ku dhisanayna taariikhdeenna badeed.

Waxaa taageeray: Dimuqraadiyiinta Degmada King; Dab-damiyeyaasha Dekedda & Seattle; Tallaabada Ilaalinta Washington; Ururka Shaqaalaha MLK, Shaqaalaha Longshore (Dekedda) iyo in ka badan dersin ururo shaqaalo kale; FairVote Washington; Xubnaha Kongareeska Larsen & Smith; Xubnaha Golaha Degmada Dembowski, Perry, Barón, Balducci, Mosqueda, Zahilay; Duqooyda Magaalada Seattle, Bellevue, Redmond, Shoreline & Bothell; iyo qaar kaloo badan!

50 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka