King County logo
v1.0.0.1
Degmada Dugsiga Snoqualmie Valley Lr.410

Soo Jeedinta Lr. 1
Dib-U-Cusbooneysiinta Canshuurta Wakhtigeedu Dhammaanayso ee Barnaamijyada Waxbarashada iyo Hawlgallada

Guddiga Agaasimeyaasha ee Degmada Dugsiga Snoqualmie Valley Lr. 410 ayaa meel mariyay Qaraarka Lr. 896, ee khuseeya soo jeedinta canshuurta dib-u-cusbooneysiinta waxbarashada. Soo jeedintaan waxay Degmada u oggolaanaysaa inay soo rogto canshuuraha dheeraadka ah ee soo socda, iyadoo cusbooneysiinaysa canshuur wakhtigeedu dhammaanayso, ee dhammaan hantida la canshuuri karo ee gudaha Degmada si loo maalgeliyo barnaamijyada waxbarashada iyo hawlgallada ee aan si buuxda looga maalgelin Gobolka, oo ay ku jiraan u diyaargarowga xirfadda/kulliyadda, farshaxanka/muusigga, shaqaalaha, taageerada caafimaadka maskaxda, hawlaha ka baxsan manhajka, koorsooyinka ikhtiyaariga ah, nafaqada, ammaanka:

Sannadka Ururinta

Heerka Canshuurta ee
La Qiyaasay

/$1,000
Qiimaha la qiimeeyay

Caddadka Canshuurta

2027

$1.55

$27,320,000

2028

$1.55

$28,686,000

2029

$1.55

$30,120,000

2030

$1.55

$31,626,000

 

dhammaan sida ku cad Qaraarka Lr. 896. Ma tahay in soo jeedintaan la ansixiyo?

Haa

Maya


Ansixinta Soo Jeedinta Lr. 1 waxay Degmada Dugsiga Snoqualmie Valley u oggolaan doontaa inay dib-u-cusbooneysiiso canshuurta hadda jirta ee barnaamijyada waxbarashada iyo hawlgallada taas oo wakhtigeedu dhammaanayso maalinta ugu dambeysa sannadka 2026. Canshuurtaan dib-u-cusbooneysiinta ah waxay sii wadi doontaa maalgelinta barnaamijyada waxbarashada ee muhiimka ah, hawlaha iyo hawlgallada aan si buuxda looga maalgelin Gobolka Washington. Kuwaas waxaa ka mid ah, laakiin aan ku xaddidnayn: Waxbarashada Shaqada iyo Farsamada (CTE); joogtaynta tirada fasallada oo hooseeya; helitaanka ballaaran ee Koorsooyinka Meelaynta Sare (AP), muusigga, iyo fasallada farshaxanka; ammaanka iyo amniga ardayda; khabiirrada xisaabta iyo akhriska; agabyada, sahayda, iyo kharashaadka hawlgalka sida adeegyada tamarta iyo caymiska; ciyaaraha, naadiyada, iyo fursadaha kale ee ka baxsan manhajka; la-taliyeyaasha dugsiga, kalkaaliyeyaasha caafimaadka, iyo khabiirrada caafimaadka maskaxda; adeegyada taageerada habdhaqanka; iyo tababarka shaqaalaha iyo manhajka. Macluumaad dheeraad ah ayaa ku xusan webseedka Degmada barta svsd410.org.

Canshuurta dib-u-cusbooneysiinta ee afarta sanno ah ee la soo jeediyay ayaa oggolaanaysa ururinta canshuuraha si ay u bixiso ilaa iyo $27,320,000 sannadka 2027, $28,686,000 sannadka 2028, $30,120,000 sannadka 2029, iyo $31,626,000 sannadka 2030. Heerka canshuurta ee loo baahan yahay inuu soo saaro caddadyadaan ayaa lagu qiyaasay inuu yahay $1.55 halkii $1,000 ee qiimaha la qiimeeyay. Ka dhaafitaannada canshuuraha ayay heli karaan qaar ka mid ah mulkiileyaasha guryaha. Wixii macluumaad oo dheeraad ah la xiriir Waaxda Qiimeynta Degmada King lambarka (206) 296-3920.

Dib-u-cusbooneysiinta Canshuurta Barnaamijyada Waxbarashada iyo Hawlgallada (EP&O) waxay bixisaa maalgelinta maxalliga ah ee muhiimka ah ee barnaamijyada iyo adeegyada taageeraya barashada iyo wanaagga ardayda kuwaas oo uusan si buuxda u maalgelin Gobolka Washington. Tani waa canshuur beddelaysa tii hore, ma aha canshuur cusub.

Maalgelinta canshuurtu waxay ilaalisaa waxbarasho tayo sare leh, fasallo cabbirkooda habboon yahay, iyo fursado waxbarasho oo kala duwan, oo ay ku jiraan farshaxanka, muusikada, luqadaha caalamiga ah, koorsooyin horumarsan, waxbarashada xirfadeed iyo farsamada, ciyaaraha, iyo hawlaha dheeraadka ah ee ardayda kuwaasoo ka caawiya ardayda inay kobcaan.

Canshuurtaan sidoo kale waxay taageertaa caafimaadka, ammaanka, iyo wanaagga shucuur-bulsheed ee ardayda iyadoo maalgelisa la-taliyeyaal, kalkaaliyeyaal caafimaad, adeegyada caafimaadka dhaqanka, iyo shaqaalaha ammaanka. Jagooyinkaan waxay muhiim u yihiin abuurista deegaan waxbarasho oo ammaan ah oo taageero leh.

Lacagaha canshuurta maxalliga ah waxay ka kooban yihiin ku dhawwaad shan meelood meel miisaaniyadda hawlgalka ee Degmada. Haddii aan dib loo cusbooneysiin, barnaamijyada iyo adeegyada qiimaha leh ee bulshadeennu ku tiirsan tahay ayaa khatar ku jiri doona. Guddiga Agaasimeyaasha ee Degmada Dugsiga Snoqualmie Valley si wadajir ah ayay u taageeraan canshuurtaan taas oo qayb ka ah diiradda ay saarayaan waxbarasho heer sare ah, fursad, iyo helitaanka ardayda. Ku codeynta Haa wuxuu dib-u-cusbooneysiinayaa ballanqaadkeenna wadajirka ah ee diyaarinta arday kasta oo Snoqualmie Valley ah inay guuleystaan oo ay doortaan mustaqbalkooda.

 

Bayaanka waxaa soo gudbiyay: Amanda Frame, Elizabeth Beckmann, Kyle Granderson, (425) 466-3733

Warbixinta OSPI SVSD waxay muujinaysaa in keliya 52% ardaydu ay diyaar u yihiin waxbarashada heerka kulliyadda ee xisaabta iyo 45% sayniska.  Kuwani waa darajooyin liita – Fs!  Canshuuraha ay maalgeliyaan dadweynaha ee dheeraadka ah ma hagaajin doonaan guusha ardayda, ama mar hore hagaajin lahaayeen.  Sidaa darteed, codkaaga canshuurahaan waa inuu ahaadaa maya.

Inkastoo loogu yeero "canshuuraha dib-u-cusbooneysiinta", soo jeedintaan waxay leedahay koror weyn. Canshuurta EP&O ee la soo jeediyay 2027 waxay 33% ka sareysaa tii 2023.  Dhanka kale, tirada ardayda degmada ayaa yaraatay tan iyo 2022.  Intaa waxaa dheer, maalgelinta gobolka ayaa si weyn u kordhay tan iyo canshuurihii hore. HB1664 waxay kordhisay qoondeynta shaqaalaha sida kalkaaliyeyaasha caafimaadka iyo la-taliyeyaasha SB5263-na waxay kordhisay maalgelinta waxbarashada gaarka ah. Maalgelinta federaalka iyo gobolka ee SVSD ayaa ka kordhay $95M (2022) ilaa iyo $115M (2025).

Afartii sanno ee la soo dhaafay, dakhliga degmada ee ardaygiiba ayaa ka kordhay $15,900 ilaa iyo $19,400 – koror 22% ah. Ma hagaajiyay guusha ardayda kororkaas? Maya, sida ku cad warbixinta OSPI.

Laba qodob oo cusub oo la soo jeediyay oo ku jira miisaaniyadda EP&O waa kharashaadka maareeyeyaasha dugsiga hoose iyo canshuurta iibka – waxyaabahaan waxay isticmaali doonaan in ka badan $1 milyan sannadkii waa inay ku jiraan miisaaniyadda guud. Ku codeynta maya ee canshuurahaan ma aha mid ka soo horjeeda waxbarashada.  Waa taageerada xisaabtanka iyo u codeynta ee isticmaalka caqliga ku salaysan ee lacagaha dadweynaha.


Bayaanka waxaa soo gudbiyay: Kelly Dillingham, Robyn Balcom, James Keeffe, SVSDforstudents@outlook.com

Natiijooyinka imtixaannada gobolka waa tilmaamo aan dhammaystirnayn, maadaama ardaydu doortaan waddooyin kale ama ay ka baxaan imtixaannada. SVSD waxay cabbirtaa u diyaargarowga iyada oo adeegsanaysa natiijooyin: 96% heerka qalin-jebinta wakhtigeeda, iyadoo 80% ay ku biiraan barnaamijyada jaamacadaha ama barnaamijyada xirfadeed, taas oo aad uga sareysa celceliska gobolka. Kordhinta canshuuraha waxaa ugu horreyn kaxeeya sicir-bararka iyo shuruudaha gobolka ee aan la maalgelin. Sicir-bararka tan iyo 2023 wuxuu ka badan yahay 20%, halka maalgelinta gobolka aysan la jaan qaadin. SVSD horrey ayay u jartay $4 milyan si ay u qaaddo qaar ka mid ah saameynta. Ku codee Haa.
 

Bayaanka waxaa soo gudbiyay: Amanda Frame, Elizabeth Beckmann, Kyle Granderson, (425) 466-3733

Codbixiyeyaashu waxay mudan yihiin hufnaan dheeraad ah oo ku saabsan sida lacagta canshuurta dheeraadka ah loo isticmaalo. Maxaa canshuuraha, adeegyada aasaasiga ah, iyo caymiska loogu bixiyaa canshuuraha la soo rogay? Tani waxay keenaysaa su’aasha ah—maxaa kharashaadkan looga bixin la’yahay miisaaniyadda guud ee degmada, oo ah $115,000,000 oo ka imaanaya maalgelinta federaalka iyo tan gobolka? Kharashaadkan waxba kama taraan barashada ardayda ama fayoqabka ardayda, taas oo ah sababta degmada ay u sheegtay marka ay ka codsanayso canshuur-bixiyeyaasha lacag “dheeraad ah”.

Deganeyaasha mas’uulka ah waxay marka hore bixiyaan canshuuraha, adeegyada aasaasiga ah, iyo caymiska ka hor inta aysan iibsan waxyaabaha ikhtiyaariga ah; sidaas oo kale ayay tahay in Degmada Dugsigu sameyso. Ku codee Maya!
 

Bayaanka waxaa soo gudbiyay: Kelly Dillingham, Robyn Balcom, James Keeffe, SVSDforstudents@outlook.com

Aqlabiyad fudud (Dastuurka Washington, qodobka VII, qaybta 2(a))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirkan, la xiriir: Dan Schlotfeldt, Kormeeraha Guud, (425) 831-8000, svsdinfo@svsd410.org

52 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka