King County logo
v1.0.0.1
Degmada Dugsiga Enumclaw Lr.216

Soo Jeedinta Lr. 2
Beddelaadda Canshuurta Hantida Waaweyn ee Wakhtigeedu Dhammaanayso ee Horumarinnada Teknolojiyada Waxbaridda

Guddiga Agaasimeyaasha ee Degmada Dugsiga Enumclaw Lr. 216 ayaa meel mariyay Qaraarka Lr. 1151 ee khuseeya canshuurta teknolojiyada waxbaridda. Soo jeedintaan waxay Degmada u oggolaanaysaa inay iibsato oo rakibto qalabka iyo kaabayaasha teknolojiyada waxbaridda, bixiso tababar shaqaale oo la xiriira, iyo inay sameyso horumarinnada iyo casriyaynta kale ee teknolojiyada, si loo horumariyo barashada ardayda; iyo inay soo rogto canshuuraha dheeraadka ah ee soo socda ee dhammaan hantida la canshuuri karo ee gudaha Degmada, sida ku cad Qaraarka Lr. 1151:

Sannadka Ururinta

Heerka Canshuurta ee
La Qiyaasay

/$1,000
Qiimaha la qiimeeyay

Caddadka Canshuurta

2027

$0.28

$2,472,195

2028

$0.28

$2,619,788

2029

$0.28

$2,776,236

2030

$0.28

$2,942,071

2031

$0.28

$3,117,856

2032

$0.28

$3,304,188

 

Ma tahay in soo jeedintaan la ansixiyo?

Haa

Maya


Ansixinta Soo Jeedinta Lr. 2 waxay Degmada Dugsiga Enumclaw Lr. 216 u oggolaanaysaa inay beddesho canshuurta hadda jirta ee mashaariicda hantida waaweyn iyo baahiyaha teknolojiyada taas oo wakhtigeedu dhammaanayso dhammaadka sannadka kalandarka ee 2026. Canshuurta la soo jeediyay waxay oggolaanaysaa ururinta canshuuraha hantida dheeraadka ah ee kabista oo ah $2,472,195 sannadka 2027, $2,619,788 sannadka 2028, $2,776,236 sannadka 2029, $2,942,071 sannadka 2030, $3,117,856 sannadka 2031, iyo $3,304,188 sannadka 2032.

Haddii codbixiyeyaashu ansixiyaan soo jeedintaan, canshuurahaan waxaa lagu shubi doonaa Sanduuqa Mashaariicda Hantida Waaweyn ee Degmada waxaana loo isticmaali doonaa teknolojiyada shaqaalaha iyo isticmaalka ardayda, oo ay ku jiraan iibsiga, rakibidda iyo horumarinta teknolojiyada kombuyuutarka, isgaarsiinta taleefanka iyo nidaamyada shabakadda; kharashaadka amniga goobta iyo amniga internetka; iyo khidmadaha joogtada ah ee barnaamijyada oonleenka iyo shatiyada softiweerka, iyo tababar joogto ah oo la xiriira rakibidda iyo isku-dhafka badeecooyinkan iyo adeegyada.

Iyadoo lagu salaynayo macluumaadka qiimeynta la qiimeeyay ee la saadaaliyay, Degmada waxay qiyaasaysaa heer canshuur oo ah $0.28 halkii $1,000 ee qiimeynta la qiimeeyay sannad kasta oo ka mid ah lix sannadood ee ururinta. Ka dhaafitaanka canshuurta hantida ayaa laga yaabaa in ay heli karaan qaar ka mid ah mulkiileyaasha guryaha ee da'da weyn ama kuwa naafada ah kuwaas oo buuxiya xadka dakhliga la cayimay. Si aad u hesho macluumaad la xiriira ka dhaafitaannada, ka wac Qiimeeyaha Degmada King taleefanka (206) 296-7300.

Canshuurtaan Teknolojiyada (Tech) ma aha canshuur cusub, waa dib-u-cusbooneysiin. Codbixiyeyaashu waxay canshuurtaan ansixiyeen tan iyo bilowgeedii 2009, waxay bixisaa lacag loogu diyaariyo ardayda xoogga shaqada ee maanta iyaga oo siinaya kombuyuutarro iyo teknolojiyada. Canshuurtaan waxay u baahan tahay oggolaanshaha codbixiyaha lixdii sanno kasta.

Lacagta canshuurta teknolojiyada waxaa lagu maalgeliyaa kombuyuutarrada, chromebook-yada, teknolojiyada fasalka, iyo amniga internetka. Laga bilaabo dugsiga hoose, ardaydu waxay isticmaali karaan kombuyuutar. Dugsiga dhexe iyo sare, ardayda waxaa la siiyaa qalab u gaar ah si ay u wanaajiyaan waxbarashadooda.  Lacagta canshuurta teknolojiyada waxaa loo isticmaalaa in lagu iibsado, lagu hagaajiyo oo lagu dayactiro qalabka ardayda. Waxay bixiyaan tababarka shaqaalaha oo ku saabsan teknolojiyada fasalka. Waxay bixiyaan kharashka la xiriira qalabka, softiweerka, barnaamijyada internetka, rukumaysiyada iyo khidmadaha ruqsadda.

Canshuuraha EP&O iyo Teknolojiyada waxay ka kooban yihiin qiyaastii 16% miisaaniyadda Degmada Dugsiga Enumclaw. Maalgelinta gobolka iyo federaalka ma daboolaan dhammaan kharashka dhabta ah ee maamulidda degmo dugsi ee ku taal Washington. Labada canshuur waa dib-u-cusbooneysiin mana kordhin doonaan canshuurahaaga.

Waad ku mahadsan tahay taageeradaada ardayda, macallimiinta, shaqaalaha iyo baahiyaha teknolojiyada ee ESD. Codkaaga Haa waa muhiim si loo horumariyo waxbarashada ardayda ee adduunka dhijitaalka ah ee maanta.

 

Bayaanka waxaa soo gudbiyay: Amee Smith, Keith Mathews, yes4rkids@gmail.com

Ma jiro wax bayaan ah oo ka soo horjeeda cabbirkan. Ma jiro qof ka tirsan gudaha maamulka oo la soo xiriiray Doorashooyinka Degmada King si uu uga mid noqdo guddiga qoraaya bayaanka ka soo horjeeda cabbirka sharciga.

Maamulada cabbirrada ku soo bandhigga warqadda codbixinta waxay sidoo kale magacaabaan xubno ka tirsan dadweynaha si ay uga mid noqdaan guddiyada "taageeridda" iyo "ka soo horjeedidda". Guddiyadan waxay diyaariyaan bayaanno taageeraya ama ka soo horjeeda cabbirka sharciga ee warqadda codbixinta. Bayaannadan waxaa lagu daabacaa buug-yaraha codbixiyeyaasha deegaanka si ay uga caawiyaan codbixiyeyaasha inay go'aanno xog-ogaal ah gaaraan.

Haddii maamulka uusan awoodin inuu magacaabo guddi, Doorashooyinka Degmada King waxay magacaabi karaan mid walba oo ka mid ah xubnaha guddiga ee u qalma ee hore isa soo taaga. Si aad mustaqbalka ugu biirto guddi, fadlan la xiriir maamulka.
 

Aqlabiyad fudud (Dastuurka Washington, qodobka VII, qaybta 2(a))

Wixii su’aalo ah ee aad ka qabto cabbirkan, la xiriir: Jessica McCartney, Agaasimaha Isgaarsiinta, (360) 802-7109, jessica_mccartney@enumclaw.wednet.edu

52 so-SO Production

TTY: Relay 711

Sign up for email or text notifications

Rukumayso ogeysiisyada iimeelka ama fariimaha taleefanka